Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminaayey ayaa goor dhawayd dalka ku soo laabtay kana soo dagay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Madaxweyneha waxa si weyn loogu soo dhaweeyey maddaarka. Dhinaca kale waxa la arkayey haween waddooyinka qaar taagan oo lulaya calanka Somaliland iyo caleemo si ay madaxweynaha u soo dhaweeyaan.

Madaxweynuhu wuxu ku maqnaa safar uu ku tagay Ireland kadib markii uu madaxweynaha dalkaas ka helay marti-qaad rasmi ah, halkaas oo si weyn loogu qaabilay.

Madaxweynuhu wuxu markii dambe soo maray Ingiriiska, wuxuna kulan casho ah la qaatay jaaliyahadaha Somaliland ee ku dhaqan geyigaas.

Soo-laabashada Madaxweynuhu waxay ku soo beegmaysaa wakhti uu meel xasaasi ah marayo tartankii loogu jiray murashaxnimada xisbiga, kaas oo lagu go’aamiyo shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ee loo ballansan yahay in uu qabsoomo 10-ka November 2015.

Hoos ka daawo Wasiir Cukuse oo ka hadlaya soo laabashada Madaxweynaha iyo sawiro kale.

Siilaanyo soo laabasho suuqa Hargeysa Ciidanka soo dhaweeyey Siilaanyo Siilaanyo Muuse Biixi iyo Saylici Siilaanyo Soo-noqosho Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi Siilaanyo soo-noqosho Maxamed Biixi Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay

 

Bandhige@gmail.com