Madaxweyne Siilaanyo oo kulan casho sharaf la yeeshay safiirada Somaliland

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay xalay safiirada Somaliland, kulanka ayaa waxa uu ka dhacay xarunt Madaxtooyadda.

Safiiradda Somaliland ayaa waxa maalmihii u dambeeyey tababar uga socday magaalada Hargeysa oo halkaas oo ay ku qaateen casharo dhinaca diblomaasiyadda ah iyo dejinta qorshaha arrimaha dibedda Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay safiirada Somaliland ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Sharaf weyn bay ii tahay inaan caawa idinku soo dhaweeyo si qalbi furan Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Waxaan jecel ahay in aan uga mahad-celiyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire shirweynaha uu isugu yeedhay dhammaan Wakiilladii Somaliland u fadhiyey dallalka dibedda. Waxaan aaminsanahay in kulankan wada jirka ee aad isugu timaadeen aad xog badan ku kala qaadateen, isla markaana qorshe hawleed diblomaasiyadeed diyaariseen, kuwaas oo dardargelin kara siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Mar labaad waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka aad habeen iyo maalinba ugu jirtaan adkaynta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland la leedahay dallalka aad joogtaan. Xaqiijinta himilladani waa xilka iyo waajibka ugu culus ee aad qarankan u haysaan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa la gudboon inay qiimayn iyo dib-u-eegis joogta ah ku samayso heerka xil gudashada Xafiisyada Wakiillada Somaliland ee Dallalka Dibedda.”

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo geba gebeeyey hadalkiisa:

“Ugu danbayn waxaan idiinku boorinayaa dedaalka oo la laban laabo iyo daacadnimo, waxaanan idin leeyahay ceelalyadii reerku ku cabi lahaa waa idinka (Ceelna Uma Qodna, Cidina Uma Maqna).

 

bandhige@gmail.com