Murashaxiintii Kulmiye ee is-bahaysiga samaystay oo ku shirsan Addis Ababa

Warar hor dhac ah oo na soo gaadhay aayaa tibaaxaya in murashaxiintii iska bahaystay Muuse Biixi wakhtigii lagu jiray ololalahii Shirkii Golaha Dhexe ay ku shirsan yihiin Addis Ababa. Ma cadda ujeeddada shirkan ay ugu qabsandeen Addis Ababa iyo waxa ay kaga hadlayaan.

Xirsi Cali Xaaji iyo xildhibaan Kijaandhe ayaa wararku sheegayaan in ay shalay ka duuleen Hargeysa halka uu Maxamed Biixi marka horeba sii joogay Addis Ababa. Sidoo kale waxa la sheegayaa in Cabdicasiis Maxamed  samaale oo hadda deggan Nayroobi uu isaguna u soo kicitimay dhinaca Addis Ababa.

Wargeysayada Hargeysa ka xoo baxa qaarkood ayaa saaka qoray in xubnahan is bahaystay ay ay kulamo la qaadan doonaa diblomaasiyiin ka tirsan dawladaha beesha caalamka iyo sidoo kale madaxda xukuumadda Itoobiya.

Sidoo kale waxa ay wargeysada qaarkood gaar ahaan Wargeysa Waaheen uu kulanka isb-bahaysiga la xidhiidhiyey kulankii uu dhawaan guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro uu la qaatay qaar ka tirsan madaxda Addis Ababa iyo Jigjiga iyadoo sida wargeysku tibaaxay ay suurogal tahay in dhexdhexaadin laga dhex wado xubnahan iyo xisbiga Waddani si ay u suurtogasho in ay noqdaan cudud mucaarad ah oo midaysan.

Bandhige kala soco wixii hadba amuurtan ka so kordha.

Bandhige@gmail.com