Madaxweyne Siilaanyo waxa uu gurigiisa ku booqday Xaaji Cabdi Waraabe

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” waxa uu booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe) oo xaalad caafimaad u jiifa gurigiisa.

Madaxweynuhu waxa uu si naxariis leh xaajiga u dil istaagay isagoo u duceeyey allena uga baryey inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Balan qaaday in aanu mood iyo nool midna ka hagranayn, hadana ay u diyaar tahay in dhakhtar dibeddeed loo qaado ugu yaraana ay laba dal hada u soo jareen tigidhadooda, Itoobiya iyo Dubay si xaajiga loogu dedaalo loogana war hayo xaaladiisa caafimaad.

Xaajiga oo isna Madaxweynaha hadal dardaarana siiyey, waxa uu Madaxweynaha kula dardaarmay in uu  halkaa ka sii waddo hawlaha qaranka, isaga oo xaajigu yidhi sida aad wax u wado waa si wacan ee sii kordhi oo ummadda dhexmar, oo ka war haynta badi madaxweyne waxad tahay hogaamiye si wacan u hagaaya ummadiise, ALLE na waxan kaaga baryayaa inuu kugu garab galo.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo sheegay in madaxweynuhu diyaar ula yahay xaalad kasta xaajiga xaafimaadkiisa lagu maarayn karo gudo iyo dibedba.

bandhige@gmail.com