Madaxweyne Siilaanyo oo lagu casuumay mac-hadka Nabadda, kulana la yeeshay Ha’yadda Horumarinta iyo Maalgashiga Ayrland

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo weftigii uu hoggaaminaayey oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ayrland, ayaa lagu marti qaaday Machadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka Ayrland (Glencree Centre For Peace & Reconciliation).

Madaxda Machadka William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Machadka Nabada ee lagu casuumay.

Waxa kulankan lagaga hadlay horumarka dhinaca nabadda ee ay Somaliland gaadhay, iyada oo si qoto dheer halkaas loogu xusay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu astaan muuqata oo lagu daydo u yahay mandaqada Geeska Afrika, door muhiim ahna uu ka soo qaatay nabad-gelyada ka hano qaaday Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha debadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ayaa iyagu tilmaamay in Somaliland uu tahay Qaran nabadiisa hoosta ka soo dhisay shacbigiisuna ay ku guulaysteen dhismaha Qaran dabdoon oo dimuqraadi ah.

Geesta kale wefdiga Madaxweynuhu waxay kulamo balaadhan la yeeshay Hay’adaha Maalgashiga iyo Horumarinta Ayrland iyaga oo la kulmay madaxda ugu sarraysa hay’adahaas Investment and Development Agency (IDA), Marwo Eileen Sharps iyo Madaxa Enterprise Ayrland Gary Ford oo uu wehelinayay Eain Ire.

Waxaa kulankan lagu soo bandhigay kaalinta ay Hay’adahaasi kaga jiraan dhismaha dhaqaalaha iy Horumarka gancsiga Ayrland uu la leeyahay dunida, waxaanay ka war bixiyeen sida ay Somaliland ay uga faa’iidaysan karto dhinaca horumarinta ganacsiga iyo kor u qaadida maalgashiga ay dunidu ku samayn karto Somaliland oo ah dal dihin oo khayraad balaadhan leh kuna yaalla goob istiraataji ah.

Kulanka ayaa waxa uu ku dhammaaday jawi wanaagsan oo ay weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynuhu soo bandhigo taariikhda iyo meelaha ay laba waddanka iskaashi buuxa ka samayn karaan.

12118978_10153648387523535_1865536599774489361_n 12122696_10153648387453535_6929403446968324676_n (1) 12049635_10153648387283535_8733971000571195870_n

bandhige@gmail.com