Wasiir-xigeenka Warfaafinta oo ka warantay kaalinta ay ka qaadanayaan tebinta ciyaaraha Gobollada

Wasiir-xigeen Wasaaradda Warfaafinta ahna kusimaha wasiirka Shukri Xariir Ismaaciil ayaa ka warantay doorka ay Wasaaradda Warfaafintu ka qaadan doonto, tebinta ciyaarraha Gobollada ee bilaabmay Buco iyo Boorama.

Waxaanay ka warantay in ay wasaarad ahaan si weyn ay isugu diyaariyeen agabkii ay kaga hawl gali lahaayeen tartanka ciyaarraha Gobollada.

Shuri Xariir Ismaaciil oo la hadashay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegtay in TV-ga Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa ay si toos u soo gudbin doonaan ciyaarraha Gobollada sidoo kalena ay wargeyska Dawan uu si joogto ugu soo bixi doona habsami u socodka Ciyaarraha Gobollada, Wasiir-xigeenka oo arrimahaasi ka hadlaysaana waxay tidhi:

‘’ Sida aad la socotaanba ciyaarrihii Gobollada dalka waxa loo kala qaybiyey Bari iyo Galbeed, halka lagu kala ciyaari doono Burco ay ku ciyaari doonaan 7 gobol iyo Boorame oo ay ku ciyaari doonaan 7 gobol iyada oo hawshaasina lagu guulaystay. Runtii Madaxweynaha Somaliland-na gacan weyn ayuu ka geystay sidii ay u qabsoomi lahaayeen ciyaarraha Gobollada dalku, Wasaaradda Warfaafintuna way ka qayb qaadanaysaa ciyaarraha Gobollada dalka sidii ay uga soo tebin lahayd, TV-ga Qaranka, Radio Hargeysa, wargeyska Dawan, iyo wakaaladaha wararka SOLNA.”

Sidoo kale Wasiir-xigeenku waxa ay sharaxaad ka bixisay qaabka ay warbaahinta dawladu uga hawl galayso ciyaarraha gobollada waxaanay tidhi:

“Warbaahinta dawladu guud ahaan way ka qayb qaadanaysaa inta kaga aadan ciyaarraha Gobollada, waxaana si toos ah looga daawan doonaa dhaamaan goboldada iyo caalamka oo dhan sida ay u dhacaynaa ciyaarraha Gobolladu, Anaga oo kaashaynayna aqoonta tayada iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, anagoo ka duulayna awooda farsamo iyo ta qalab ee Wasaaradda Warfaafintu ku shaqayso, iyada oo aanu u qorshaynay in si talantaali ah loo soo gudbiyo ciyaarraha Gobolada dalka (Maalinba ciyaarta ka dhacay Burco ama Boorama, maalin dhaaf).”

Ugu dambeyntii wasiir-xigeenka Wasaaradda Warfaafintu waxay ka warantay muhiimada ay ciyaarruhu u leeyihiin is dhexgalka bulshada waxaanay tidhi:

“Runtii ciyaarruhu waxay aad uga qayb qaataan isdhex galka bulshada, sidoo kalena waxay muujiyaan dhaqaalaha, nabada, iyo amniga meeshaasi ka jiraa inta uu gaadhsiisan yahay, iyada oo ay sidaasi tahay hadana Somaliland ay ku tashanayso cududeeda ayaad arkaysaan in waliba ciyaarihii Gobollada ay ku kala qabatay laba Gobol.”

TVga Qarana ayaa shalay waxa uu soo gudbiyey ciyaartii dhex martay Gobollada Togdheer iyo Daad madheedh oo guusha raacay Gobolka Daad madheedh, halka ciyaartii kale ee ka socotay ee aan nasiibka u helin in TVga Qaranka si toos ah looga daawado oo dhexmartay Gobollada Hawd iyo Awdal oo ay guushu raacday Gobolka Awdal.

Waxa maanta TVga Qaranka laga daawan doonaa ciyaarta ka dhici doona Boorama ee dhex maraysa Gobollada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle.

Sidoo kale waxa maanta garoonka kubbadda cagta Burco iskaga hor iman doona Gobolladda Xaysimo iyo Badhan.

bandhige@gmail.com