Tartanka ciyaaraha gobollada oo maanta ka furmay Boorama, xulka Awdal oo ciyaartii koowaad guulaystay

Waxaa galabta Boorama si rasmi ah uga furmay tartanka ciyaaraha kubadda cagta oo si wada-jir ah loogu qabanayo magaalooyinka Burco iyo Boorama.

Boorama waxa ku qabsoomaya tartanka dhexmaraya xulalka gobollada Awdal, Salal,Maroodijeex, Gabiley, Hawd, Saaxil iyo Buuhoodle.

Xaflad ballaadhan oo ciyaartan lagu furaayey ayaa galabta lagu qabtaye garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium ee ku yaalla magaalada Boorama. Waxa xafladdaas furitaankeeda ka soo qayb galey wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminaayey madaxweyne-ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiracmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Salyici” oo si rasmi ah u furay tartanka koobkaas.

Waxaa uu madaxweyne-xigeenku u rajeeyey kooxaha tartamaya in ay si sharaf iyo guuli ku dheehan tahay u tartamaan isna xaq dhawraan.

Kooxaha fanaaniinta qaar ka mid ah ayaa waxa ay ku soo bandhigeen heeso iyo suugaan kala  gadisan taas oo inta badan tilmaamaysay ciyaaraha, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.

Tartanka galabta ayaa ku furmay ciyaar dhax martey laba xul ee Hawd iyo Awdal taasi oo u ekayd ciyaar  adag aakhirkiina waxa ay guushu hal gool iyo eber ku raacdey kooxda kubada cagta ee gobolka Awdal.

Shirkadaha isgaadhsiinta  gaar ahaan shirkada Somtel ayaa maanta kaalin muhiim ah ka ciyaartey  iyada oo adeeg internet xawaarihiisu sareyso siiay Telefishinada iyo website yada qaarkood oo toos ciyaartaas u gudbinaayey.

IMG_20151005_151835
Garoonka Xaaji Daahir Boorama
20151005_183107
Madaxweyne Ku xigeenka oo Furaya Ciyaaraha gobolada

IMG_20151005_151841