Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Agaasimihii Madaxtooyada, markii koowaadna u magacaabay haweenay

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu ayaa xilkii lagaga qaaday Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar, isla markaana waxa loo magacaabay Khadra Xaaji Gaydh oo noqonaysa haweenaydii ugu horraysay oo agaasime ka noqota Madaxtooyada Somaliland. Khadra Xaaji Gaydh waxa ay mar ahaan jirtay maayarka degmada Gabiley.

Xasan Cabdi Madar ayaa xilkan hayey shan sanno iyo dheeraad. Ka hor intii aanu Agaasimaha Madaxtooyada noqon wuxu ahaa qoraa madax banaan. Sidoo kale wuxu ku lug lahaa ururrada ku hawlan arrimaha samo-falka.

War-saxaafadeedka oo iskugu jira xil-ka-qaadis iyo magacaabis waxa uu u dhignaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3757/012016 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                       In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;

Markuu La Tashaday:          Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:             In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis

Ku:      Mudane, Xasan Cabdi Madar                                                                                Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada

Mudane,

Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

bandhige@gmail.com