Madaxweyne Siilaanyo waxa uu digreeto ku muddeeyey wakhtiga diwaangelintu bilaabmayso

War-saxaafadeed ka soo Madaxtooyadda uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynuhu ayaa lagu shaaciyey wakhtiga diwaangelintu ka bilaabmayso waddanka.

Sida war-saxaafadeedka ku qoran diwaangelintu waxay bilaabmaysaa 16-ka bishan 2016 oo ay ka bilaabmi doonta gobolka Togdheer.

War-saxaafadeedkuna waxa uu dhignaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:       Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:       Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

 

Markuu Tixgeliyey:        Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;

Wuxuu Go’aamiyey

In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

bandhige@gmail.com