Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti wasiiro ah oo ka socda Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley wefti wasiiro ah oo ka socda Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dalka ku sugnaa maalmihii u dambeeyey.

Isbarasho ka dib waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo weftiga uga mahadnaqay socdaalka ay ku joogaan Somaliland, ka xukuumad ahaana ay soo dhawaynayaan wasiirada iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood ee jaarka wanaagsan iyo walaaltinimadu ka dhaxayso.

DDSI

Halka dhinaca weftigana uu u hadlay wasiirka Ganacsiga iyo Gaadhiidka DDSI Khadar Cabdi Ismaaciil oo isna ku hadlaayey afka weftiga uu hogaaminayey ayaa ka mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee Dawlad iyo shiciba loogu soo dhaweeyey Somaliland, waxaanu balan qaaday marka uu dalkii dib ugu noqdo in uu ka shaqayn doono sidii ay u dardar gelin lahaayeen isdhaafsiga ganacsiga labada dal oo markii hore u badnaa uun mid ka soo gala dhinaca Itoobiya balse ay hada xooga saaridoonaan sidii ganacsiga Somaliland ee uu ugu horeeyo kalluunku u gaadhi lahaa dalka itoobiya, isaga oo madaxweynaha ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay ku dheehan tahay waayo aragnimadu ee aad ku hogaamisay dalka mudadii aad xilka haysay ayuu yidhi wasirku, waxanan kugu hambalyeynaynaa go’aankii aad ka qaadatay markii aad sida geesinimada leh u buuxisay xilalkii ay ka tageen wasiiradii hore uga tegay xukuumada.

DDSI4

Ugu danbayna waxa halkaas ka hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu yidhi:

 “Ugu horreyn, waxaan idiinka mahadnaqayaa socdaalka aad ku timaadeen Somaliland, sharaf weyn bay ii tahay in aad booqasho iyo bariido iigu timaadeen xafiiskayga saaka.”

Isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi:

“Mar labaad, waxaan idiinku hambalyeynayaa xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia ee aad jaaliyaddiina halkan ku dhaqan kala soo qayb-gasheen.Sidoo kale, waxaan idiinku bogaadinayaa nabadgelyada, horumarka iyo is-beddelka nololeed ee aad ka hirgaliseen Dawlad Deegaanka Is-maamulka Soomaalida Ethiopia oo dib u dhac xoog lihi ka muuqday xilligii hore. Arrintani waa mid aanu ku faraxsannahay, tusaale fiicanna u ah guud ahaan Qoomiyadda Soomaaliyeed ee ku kala nool Dallalka Geeska Africa.”

Gabagabadii waxa uu hadalkiis ku soo gabagabeeyey:
“Dawladda aan madaxda ka ahay waxa ka go’an in ay xoojiso xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalka aanu deriska nahay ee Ethiopia, gaar ahaan Dawlad Deegaanka is-maamulka Soomaalida Ethiopia ee aad ka tirsan tihiin.

Haddaba, si aynu u xaqiijino is-kaashiga siyaasadeed, nabadgelyo iyo kan dhaqan-dhaqaale ee inaga dhaxeeya, waxa waajib ah in aynu xoojinno, isla markaana dhinac uga soo wada jeesanno meel marinta arrimahan hoos ku xusan:

  • Adkaynta Nabadgelyada Xuduudaha.
    • La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada.
    • Is-dhaafsiga Xogaha Cadowga Nabadda.
    • Isu-celinta Danbiilayaasha Labada Dal Ka Soo Firxada.
    • Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo is-dhexgalka Bulshada.

Ugu danbayn, waxaa bud-dhig iyo ballan inoo ah in aynu si wada jir ah uga wada shaqayno wada-jirka, walaalnimada iyo wada noolaanshaha bulsho weynta aynu madaxda u nahay.”

Weftiga oo ku sugnaa Somaliland ayaa waxay ka qayb galeen carwaddii kalluumaysiga ee lagu soo bandhingay Hargeysa.

DDSI3

DDSI2

 

bandhige@gmail.com