Madaxweyne Siilaanyo wuxu qaabilay safiirka Denmark u fadhiya Kiiniya

Sida ku xusan war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamed Siilaanyo oo uu wehelinayo Madaxweyne-Xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa maanta si diirran u qaabilay Safiirka Denmark u fadhiya Kiiniya Ambassador Geert Aagaard Andersen.

Safiirkan wuxu sidoo kale dalka Denmark u qaabilsan yahay arrimaha Somaliland iyo Somaliya.

Denmark waxa ay ka mid tahay waddamada sida weyn u caawiya Somaliland waxayna sidoo kale ka mid tahay waddamada aasaasay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo “SDF”.