Maxkamadda Sare ee Koonfur Afrika ayaa xukuumadda dalkaas ku dhalleecaysay in ay xidhi wayday Al-Bashiir

Kadib markii uu Madaxweyne Cumar Xasan Bashiir si xarrago leh uga baxay Koonfur Afrika iyadoo ay maxkamadda sare xukuntay in aanu ka bixin ayaa waxa mada isla galay Maxkamadda Sare ee dalkaas iyo Xukuumadda.

Maxkamaddu waxa ay xukuumadda ku dhalleecaysay in ay u ogolaatay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir inuu ka baxo Koonfur Afrika iyadoo maxkamaddu k soo rogtay amar xayiraad ah si ay u fuliso dalabka qabashada ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

Maxkamadda Koonfur Afrika ayaa ka codsatay Xeer-Ilaaliyaha Guud in uu baadhis ku sameeyo sifihii uu dalka uga baxay Madaxweyne Al-Bashiir iyadoo ay saaran tahay xayiraad maxkamadeed.

Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ayaa u jartay waaran Cumar Al-Bashiir ka dib markii lagu eedeeyey dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada iyo xasuuq ka dhacay gobolka Daarfuur ee Suudaan, xukunkaas oo uu gebi ahaanba dedifeeyey.

Al-bashiir ayaa Koonfur Afrika kaga qayb galayey shirweynaha 25naad ee Midowga Afrika markii ay Maxkamadda Pretoria amarka ku soo rogtay.

Waarankii Maxkamadda Caalamiga ahaa iyo amarkii maxkamadda Pretoria midkoodna ma uu tamarin.

Garsoore Dunstan Mlambo ayaa dawladda siiyey in ay 24 saacadood kaga soo jawaabta sharcinimada ogolaanshaha Al-Bashiir ee dal-ka-bixista.

Waxa kale oo hadalkiis ku daray “haddii aanay dawladdu u hoggaansamin amarrada maxkamadda, waxa bur buri doona dimuqraadiyadda oo u jajabi doonta dhagax dhagax inta laga gaadhiyo burburka qaranka.’

bandhige@gmail.com