Madaxweyne Siilaanyo wuxu u aqoonsaday maalinta dhallinyarada Somalialnd 20-ka February

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyaddu ayaa waxa uu maanta Madaxweyne Siilaanyo u aqoonsaday 20-ka February in ay noqoto maalinta dhallinyarada Somaliland.

20-ka February ayaa waxay ku suntan tahay maalintii ardaydu dhagax-tuurkii ardeyda eek u dalbanayee in la soo daayo koox dhallinyaro oo mutadawaciin oo u guntay in ay ka shaqeeyaan horumarka Hargeysa dawladd ku qoonsatay, kadib la xidhay kooxdaasi balse ardaydaasi dalbadeen in 20-kii February la sii daayo kooxdaa dhallinyarada ah.

War-saxaafadeedkaasii oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sida tan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:ย 

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;ย 

Markuu Tixgeliyey:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada Somaliland;ย 

Markuu Qiimeeyey: ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiiri-galiyo;ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Wuxuu Goโ€™aansadayย 

In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.

 

ALLAA MAHAD LEH

ย Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

ย