Madaxweynihii la inqilaabay ee Burkiina Faaso oo la sii daayay

Janaral Gilber Diendere oo ay ciidamada afgambiga sameeyey u magacaabeen hoggaamiyaha dawladda ku-meel-gaadhka ayaa sheegay in ay sii daayeen madaxweynihii hore ee dalkaas oo laba maalmood xidhnaa.

Madaxweynaha iyo laba wasiir ayey sii daayeen, balse may sheegin halka uu ku dambeeyey Raysal wasaarihii ay talada dalka ka qaadeen.

Sidoo kale ciidamada afgambiga sameeyey ayaa sheegay in ay tahay sababta ay u sii daayeen Madaxweynaha iyo wasiiradan ay tahay in ku dejiyaan xiisada mudaharaadada ee taagan Burkiina Faaso.
Janaral Gilber Diendere oo ahaa madaxii afgambiga sameeyey ayaa sheegay in ay ujeedada afgambiga ay ahayd in ay toosiyaan nidaamka siyaasadda waddankiisa oo noqdey mid dhinaca u jar jeera.

Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ayaa filayaa in ay ka dhacdo Burkiina Faaso 11-ka bisha soo socota, balse hadda ma cadda in ay dhici doonaan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dibad-baxyo rabshado wata oo dadweyne gadoodsane ka sameeyeen caasimada Ouagadougou oo ay kaga soo horjeedeen afgambiga milatari ee ciidamaddu kula wareegeen talada dalka.

bandhige@gmail.com