Xoghayihii FIFA oo shaqadii laga joojiyey eedo musuqmaasuqna loo jeediyey

Jerome Valcke wuxu xoghayaha guud ee FIFA noqday 2007-dii, wuxuna hadda isu diyarinayey in uu u tartamo jagada ugu sarraysa ee guddoomiyenimada FIFA kadib markii ninkii isaga ka sarreeyey ee jagadan muddada dheer hayey Sepp Blater uu is casilay bishii lixaad ee sannadkan, maalmo uun kadib markii uu doorashada guddoomiyenimo mar shanaad ku guulaystay.

Hase ahaatee Golaha Sare ee FIFA ayaa Xoghaye Valcke shaqadii ka joojiyey, kadib markii wargeysyo caalami ah oo wararkooda la isku halleeyaa ay qoreen eedaymo musuqmaasuq oo masuulkan la xidhiidha.

FIFA waxa ay sheegtay in mushaharku u sii socon doono Xoghayaha ilaa arrinkiisu dhinac u dhacayo, laakiin wax shaqo ah FIFA uma qaban doono.

Ururkan ugu weyn ciyaaraha dunida ayaa dhibaatooyin dhinaca sharciga iyo maamulka ah la tacaalayey laga soo bilaabo bishii shannaad ee sannadkan markii booliiska Iswiirsarlaan ay galeen hudheel Zurich ku yaal kana soo xidheen toddoba ka mid ah golaha fulinta ee FIFA iyagoo fulinaya codsi uga yimid maxkamadaha Maraykanka.

Dhacadadaasi waxay sabab u noqotay baadhitaano joogto ah iyo iscasilaad ku timid guddoomiyihii FIFA Sepp Blater.

Baadhitaannada FIFA lagu wadaa waxay gaar diirradda u saarayaan sidii loo bixyey qandaraasyadii martigelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022 oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Gadar, kuwaas oo la isla dhex marayo in laaluush laga bixiyey.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:

Baadhitaannadii FIFA oo la filayo in ay galaaftaan xubno iyo ururro hor leh

Ninkii labaad ee Afrikaan ah ayaa isku sharaxay jagada madaxweynenimada FIFA

FIFA oo magacowday madaxa dib- u-habaynta iyada oo ay dul hoganayaan eedaymo musuqmaasuq

Micheal Platini waxa uu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA

Wakhtiga ay dhacayso doorashada FIFA oo la cayimay

Madaxweyne-Xigeenkii hore ee FIFA wuxu iska difaacay eedaymo musuqmaasuq

Eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA oo galaaftay madaxii xidhiidhka kubbadda cagta Bolivia

Iswisarlaand oo gacanta u gelisay Maraykanka 7 ka mid ah saraakiisha FIFA ee loo haysto musuq-maasuqa

FIFA waxay xayiraad maamul saareen guddoomiyihii xidhiidhka CONCACAF Blazer

Maraykanku wuxu Iswiisarlaand ka dalbaday in ay u gacangeliso saraakiishii FIFA ee la xidhay

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriya wuxu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA

Booliska Caalamiga ahi wuxu FIFA ka xanibay 24.4 milyan oo Doollar

FIFA oo dib u dhigtay kala-xulidda waddamada u tartamaya martigelinka Koobka Adduunka ee 2026-ka

Caddaymaha musuq-maasuqa ee soo ifbaxayaa FIFA miyay gilgili doonaan mise way gambin doonaan?

Xubin ka mid ah Guddidii Fulinta ee hore ee FIFA ayaa qirtay eedaymo laaluush

Fadeexadda eedaha musuq-maasuq ee FIFA waxay gaadhay heerkii u sarreeyey, ma laga noqon doonaa martigelintii Koobka Adduunka ee Qadar iyo Ruushka?

Sepp Blatter wuxu sheegay in Faraansiiska iyo Jarmalku farogeliyeen codayntii xulista marti-gelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022