Maraykanka iyo Ruushku waxay mar labaad kawada xaajoodeen duqeynta Suuriya

Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxay kawada xaajoodeen arrimaha duqeynta Suuriya. Maraykanka aya sheegay in Ruushka uu aqbalay in dib loo billaabo wadahadallada lagu xaqiijinayo in xoogagga labada dal aysan isku dhicin xilliga ay sameynayaan ololaha duqeynta Suuriya.

Warka soo baxay waaxda Difaaca Maraykanka ayaa lagu sheegay in wada-hadaladu soo afjarmaan todobaankan aynu ku gudo jirno.

Maraykanka ayaa hore ugu dhawaaqay in uu joojiyey duqeynta ay ku beegsanayeen kooxda khilaafada Islaamka Suuriya. Weerarada Maraykanku ka raag guray kooxdan ayaa la sheegay in ay u joojiyeen sababo dhaqaale darro iyo mid ay ka baqa qabaan in ay isku dhacaan weerarada ciidamada Ruushku ka wado gudaha Suuriya. Sidoo kalena waxa uu Maraykanku sheegay in qorshaha dagaalka Suuriya uu mid yahay mid fashilmay.

Ruushka ayaa waxa uu isagu wali ku adkaysanayaa in la taageero dawladda uu hoggaamiyo Bashaar Al-Asad.

bandhige@gmail.com