Maraykanka oo ciidamo dusha kala socda dhaqdhaqaaqa Boko Xaraam u diraya Kamaruun

Dadaalada caalamiga ee lagu doonay in lagaga hortago isbalaadhinta kooxda Boko Xaraam ee Gableed Afrika ayaa waxa imanaya xiligan in uu Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu ciidamo milari u dirayo Kamaruun si ay uga kormeeraan dhinaca hawada dhaqdhaqaaqyada Boko Xaraam.

Warar laga soo xigtay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay askartan Maraykanka ee la gayno Kamaruun ay marti qaaday dawladda Karamuun si looga hortago fiditaanka Boko Xaraam.

Kooxda Boko Xaraam iyo ururo ayaa beryahanba kor u qaaday dhaqdhaqaaqooda ay ka wadaan Galbeedka Afrika, taasina waxay soo dadajisay in si degdeg ah talaabo caalami loo qaado oo tani ugu horeyso.

Boko Xaraam ayaa ah mid ku xoogan badan waqooyiga kamaruun oo xuduud la wadaaga gobollada Waqooyi Bari ee Nayjeeriya oo saldhig u ah kooxda Boko Xaraam.

Boko Xaraam waxay ku dishay Kamaruun boqolaal qof, halka ay Nayjeeriya oo saldhig u ahna ay ku dishay dadka gaadhay 10 kun oo qof dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

bandhige@gmail.com