Maraykanka oo dugsiyada Los Angles u xidhay cabsi awgeed

Maraykanka oo cabsi weyn soo food saartay dhinaca argagaxisada ayaa waxa uu albaabada u xidhay gabi ahaanda dugsiyada ku yaala magaalada Los Angles.

In ka badan kun dugsi oo ku yaala Los Angles ayuu saamayn doonaa amarkani, amark xayiraada ayaa waxa uu ka soo baxay guddiga waxbarashada ee degmeda Los Angles.

Sidoo kale bilayska Los Angles ayaa sheegay in ay heleen digniino xaga elektooriniga loo soo mariyey.

Todobaadkii hore ayey marki weerar ay fuliyeen laba ruux oo isqabaa oo ay ku geeriyooda tiro gaadhaysa afar iyo toban xarunt lagu xannaaneeyo dadka naafadda ah.

bandhige@gmail.com