Obama  waxa uu ku dhawaaqay in la xoojinayo duqeynta kooxda Daacish

Dunidda oo cabsi weyn soo wajahaday cabsi aad u badan ka dib weerarkii Paris ee ay kooxda Daacish sheegay masuuliyada weeraradaas, waxa sii xoogaysanayey weerarada kooxda Daacish lagu burburinay oo ay ka qayb qaataan waddamo badan.

Taasi oo jirta ayaa waxa uu Obama ku dhawaaqay in ciidamada Maraykanku ay xoojin doonaan duqeynta ay ku hayaan kooxda Daacish.

Waxa kale oo Obama xusin in wali dagaalku uu adag yahay loona baahan yahay in horumar degdeg ah laga sameeyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay burburiyeen qaar ka mid ah goobaha ay dhaqaalaha ka heli jireen sid shidaalka.

Obama ayaa waxa uu sheegay in xoghayaha difaaca ee Mareykanka Ash Carter uu u safri doono bariga dhexe si uu u raadiyo taageero militari oo dheeraad ah.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu aadayo dalka Ruushka, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu mideynayo dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Kooxda Daacish ayaa waxay cabsi weyn ka abuurtay dalalka Yurub ka dib weeraradii Faransiiska.

bandhige@gmail.com