Marwada koowaad Aamina-Weris waxay kulan la qaadatay madaxda Ha’yadda Concern World-Wide ee Ayrland

Marwada koowaad Aamina-Wwris Sheekh Maxamuud Jirde oo ka mid ah waftiga Madaxweynuhu hoggaaminaayo ee ku sugan Ayrland, ayaa waxay maanta kulan la qaadatay madaxda ugu sareysa Hay’ada ugu weyn waddanka Ayrland ee mucaawinooyinka gaadhsiisa dalalka Africa ee lagu magacaabo Concern World-Wide Charity.

Kulanka waxa ku wehelinaayey marwada, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse”, La-Taliyaha Madaxweynaha dhinaca hay’adaha caalamiga ah iyo ku maxaliga ah Cabdifataax Siciid Axmed iyo La-Taliyaha Madaxweynaha dhinaca saxaafada Khadar Cali Gaas.

Ugu horeyn waxa kulankan ka hadlay madaxa ugu sareeya ee hay’ada Concern waxaanu halkaasi ka sheegay in laamaha Hay’adooda ee Afrika ay ka shaqeeyaan, qaybo ka mid ah Gobollada Galbeedka Somaliland sida Gobolka Gabiley oo kale, waxaanu sheegay inay haatan qorshaynayaan sidii ay Hay’adu ugaadhi lahayd Gobollada kale ee Somaliland.

Dhinaca kale Marwada koowaad ayaa iyaduna ka hadashay dhinaceeda isla markaana waxay usoo jeedisay in ay xooga saaran dhinaca Gobollada ee Bariga sidii ay u gaadhsiin lahaayeen mucaawinooyinkooda.

Sidoo kale waxay marwaddu ka codsatay in ay xukuumadda Ayrland ku dhiiri-galiyaan sidii ay ugu soo biiri lahayd waddamada ku midoobay Sanduuqa horumarinta ee Somaliland ee “SDf”.

Waxaanay halkaasi ay ka balan qaadeen madaxda Hay’ada Concern in ay balaadhinayaan mashaariicda Somaliland.

Hay’adan Concern World- Wide ayaa ah hay’ada ugu waddanka Ayrland ee dhinaca mucaawinooyinka ka shaqaysa, waxaanay ka shaqaysaa hay’adani dhinaca beeraha, waxbarashada iyo biyo xidheenadda,

bandhige@gmail.com