Mashruuca horumarinta caanaha oo la dardargelinayo

Shir ay maanta isug yimaadeen wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Qorshaynta Qaranka iyo dhinaca kale Hay’adda Qaramada Midoobay ee Raashinka yo Beeraha “FAO” iyo saraakiil ka socota midowga Yurub ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in muhiimadda ay shirkan isugu yimaadeen ay tahay sidii loo dardargelin lahaa mashruuc weyn oo caanaha Soomaliland lagu horumarinayo kaas oo Madaxweynaha Somaliland 2013-kii xadhiga ka jaray.

“Shirka waxa lagu eegayaa wixii mashruucan ka qabsoomay iyo waxa la qaban karo si loo dardargeliyo tayaynta caanaha Somaliland. Dhaqaalaheenu 28% wuxu ku tiirsan yahay xoolaha. Hanti kale ma haysano. Sidaas daraadeed waa muhiim in caanaheenu noqdaan qaar dibadaha loo iib gayn karo isla markaana aynu tiro-koobno xoolaheena” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Sh. Maxamed Faarax oo ka sheekeeyey muhiimadda shirka ayaa sheegay in mashruucan oo wakhtigiisu saddex sanno ahaa, lacagtiisuna ahayd 4.4 milyan oo Yuuro (Afar milyan afar boqol oo kun oo Yuuro), ay wakhtigiisii ka hadhay muddo 13 bilood ah, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in si weyn loo dardargeliyo si jadwalkaas loo waafaqo.

Somaliland ayaa lagu tilmaamaa dad aan si dhammaystiran uga faa’iidaysan wax-soo-saarka xoolahooda sida caanaha, subagga iyo wax kasta oo xoolaha laga samayn karo.

Midowga Yurub oo lacagta mashruucan bixiyey ayaa beryahan dambe Somaliland ka caawinayey sidii ay awood ugu yeelan lahayd dhoofinta wax-soo-saarka xoolaheeda.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka: