Masuuliyiin iyo taageerayaal ka digo-rogtay Waddani

Masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsanaa xisbiga Waddani ayaa u diga rogtay xisbiga kulmiye.

Waxa munaasibad soo dhawyn ah oo loogu sameeyey Hudheel Xamdi ee Laascaanood, iyada oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan Golaha dhexe ee Kulmiye, iyo masuuliyiinta Xisbiga ee Gobolka Sool.

Waxa ka mid ahaa xubnaha maanta ka soo baxay Waddani ee ku soo biiray Kulmiye,

  1. Profisor Cabdiraxmaan Xaaji Saalax Guddoomiyhii Guddiga fulinta Waddani, ahna aas aasihii xisbigaasi ee Gobolka Sool,
  2. Cabdilaahi Digaale Cali Gudoomiyihii hore ee Waddani,ee Gobolka Sool.
  3. Faysal Cali Xirsi Xoghayaha Degmada eeWaddani.
  4. Ifraax Cabdilaahi Xuseen Gudoomiyihii Garabka Haweenka Gobolka Sool.
  5. Hoodo Maxamuud Xasan Khasnajigii Xisbiga Waddani ee Gobolka Sool
  6. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Xoghaya dhalinyarada ee Gobolka Sool ee Xisbiga Waddani,
  7. Xamse Cabdi Sacad oo isna ka mid ah xildhibaanada Gollaha Deegaanka ee Gobolka sool.

Ugu horeyna waxaa madashaasi ka hadlay Profisor Cabdiraxmaan Xaaji Saalax oo ahaa Gudoomiyihii Guddiga Fulinta Waddani waxaanu hadalkiisii ku bilaabay sida tan:

“ Xisbigii Waddani ee aanu ku doonaynay Inuu noqdo xisbi Shacab oo ummadda hoggaamiya, saaka xisbi beeleed ayuu ka dhigay, taana waxaa kuu cadaynaysa habeen walba sida looga baxaayo, ee looga tagaayo, Waddani Gobol ahaan nin iiga aqoon badanina ma jiro oo halkan anigaaba ka aasaasay.”

Sidoo kale waxaa Iyana madashaasi ka hadashay Hoodo Maxamuud Xasan oo ahayd khasnajigii Waddani ee Gobolka sool, waxaanay tidhi:

“Aniga oo ah Hoodo Maxamuud Xasan ahaana Khasnajigii Waddani, dhamaantayo masuuliyiinta maanta halkan fadhida anaga oo maankayga iyo miyirkaygaba qaba waxaan usoo diga roganay xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye.”

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi hadalo soo dhaweyn ah isu daba maray dhamaan masuuliyiinta Kulmiye ee Gobolka sool,

Ugu dambayntiina waxaa munaasibaadi hadal kooban ka soo jeediyey Saalax Muxumed Idiris (Shiine) oo ah xidhiidhiyaha Arimaha dadweynaha Kumiye ee Gobolka Sool waxaanu yidhi:

“Waxaanu halkan ku soo dhawaynaynaa masuuliyiin ka soo diga rogtay Waddani oo ku so biiray Kulmiye, aad baan idiin soo dhaweynayaa, kolay inagu aqoon gaar ahna waynu isku leenahay, Xafladan xafladii ka horeysay aniga oo Waddani ah ayaan halkan ka hadlaayay, maantana aniga oo masuul kulmiye ah ayaan halkan fadhiyaa alxamdulah.”

Waddani ayaa muddooyinkii danbe ayaa masuuliyiin tiro badani iska casileen oo ay ku eedeeyeen in xisbiga uu noqdaymid reer, inkastoo ay eedayntani ka timid xubno iska casilay xisbiga, laakiinse Waddani kama jawaabin eedayntaa.

 

bandhige@gmail.com