Masuuliyiinta Waddani ee Togdheer oo 8 kooxood qalab ciyaareed guddoonsiiyey

Masuuliyaanta xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ee Gobolka Togdheer ayaa sideed kooxood oo ka dhisan gobolka todheer u qaybiyey diraysyo iyo kubado oo uu Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani uu ugu deeqay guud ahaanba ciyaartoyga Gobolka Togdheer.

Munaasibada dirayskan uu Xisbiga Wadani ku wareejiyey ciyaartoyda Gobolka Gogdheer ayaa waxa goob joog ka ahaa  Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Wadani.

Ugu horeyntii munaasibadan wareejinta dirayska ayaa wax hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Togdheer Mr. Xayd oo ka waramay dirayskan iyo kubbadahan ay ku wereejinayaan ciyaartoyada ka ciyaarta Gobolkan Togdheer. Waxaanu yidhi sidan ‘’halkan maanta waxaan ciyaartoyga gobolka togdheer ku wareejinayaa hadiyad qaali ah oo uga timid Gudoomiyaha garabka haweenka ee Xibiga Wadani ee Dalka Maraykanka Marwo Idil oo ah  hadiyad ay ugu tala gashay dhalinyarada gobolka todheer hadiyadani oo ka kooban direys iyo Kubbado,

isaga oo xusay in xisbiga wadani uu marwalba u heelan yahay sidii u hore marin lahaa haday tahay wax barasho haday tahay ciyaaro iyo hadii ay tahay horumar isaga oo ka sheegay inay hadiyadani qayb ka tahayin lagu dhiiri galiyo, dhalinyarteena  halista ugu jirta maalin walba tahriibka ee ku dhamaanaysa badaha.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Wadani kuwaas oo dhamaantood  sheegay in asxaabta mucaaridku ay yihiin iyagu kuwa wadanka lexejeclada ka qaba,hase ahaatee ay xukuumadu ay ka dayso hanjabadaada ay u han janjabayso shacabka iyo mucaaridka taasi oo la mid noqonaysa wixii aynu diidnay ee aynu kasoo dagaalanay, xukuumadana ugu baaqay inay ilaaliso nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.