Maxamed Xaashi wuxu sheegay in Somaliland saboolnimada 10 sanno kaga bixi karto haddii dakhliga si habboon loo ururiyo

Wasiirkii hore ee maaliyaddu wuxu ku doodayaa in Somaliland ay muddo gaaban kaga bixi karto saboolnimada haddii dakhliga si habboon loo soo ururiyo isla markaana laga dhawro musuq-maasuqa.

Warqad qiimeyn ah oo uu arrinkan ka soo saaray waxay u dhignayd sidan:

 

Dakhliga Cashuuraha Berriga, si haboon loo ururiyo, oo ugu yaraan la gaadhsiyo 60%. Xalku ma aha Tacrifada oo la kordhiyo ee waa daryeelka shaqaalaha/ciidamada

Marka aynu helno dawlad ixtiraamta, Dastuurka iyo xeerarkiisa, Hada dawladni Xukuumad, xeerdejin, Garsoor iiyo sharci oo dhanba way ku xuubsiibteen, Tallo guud oo la isugu yimaado oo lagaga tashado danta iyo aayaha dalka ayaa la tabayaa

Si guud haddii aan u dulmaro, waxa ay arrimahani ku suurtoobi karaan marka la sugo:

  • Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa oo lagu dhaqmo.
  • Madaxtooyadu ku dhaqanto Qodobka 90aad; Wuxu sheegayaa waajibaadka Madaxweynaha in aanu ku jirin maamul lacageed.
  • Hay’adaha dabagalka ee gabay xilkoodii ama aan tamarin sida; G/Wakiilada (Guddida maaliyadda) iyo Hanti-dhawrka oo la shaandheeyo
  • Kharashka Xukuumadda iyo shaqaalaha aan shaqayn oo la dhimo.
  • Dakhliga Cashuurta Berriga,

si haboon loo ururiyo, ugu yaraan la gaadhsiyo 60%.  Xalku ma aha TACRIFAD la kordhiyo ee waa daryeelka shaqaalaha/ciidamada.

  • La xisaabtanka Xukuumadda, oo Baarlamaanku xilkiisa ka guto.

 

  1. Dakhliga oo dibu habayn lagu sameeyo:

1.Miisaaniyadda 2015 ee Dawladda Dhexe waa: sls 1,080,000,000,000 = $180,000,000

  1. Dakhliga Kastamada (61.80 %)   sls  667,477,257,680   = $ 111,246,210
  2. Cashuurta Berriga (12.88%)         sls  139,069,900,911   = $    23,178,317
  3. Kharashka Shaqaaluhu (48% ):    sls 517,382,579,360    = $    86,400,000

 

F.G: Xukuumadii Madaxweyne Rayaale, shaqaaluhu wuxu ahaa: 6,933.                                                                                                                                          Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed shaqaaluhu waa:  15,223.                                                                                                                                       Shaqaalaha aan imtixaan gelin waa: 5308.                                                                                                                                                                                               Shaqaalaha aan hawl qabani waa: 35%. Aroortii BUUGGA SAXEEXA, ee iska HOYDA.

 

Arrimo muhim ah, ayaa ka soo baxay qodobadan kor ku xusan: Cashuurta Berriga oo aad u yar. 12.88%. Taas oo ay tahay in ay noqoto cashuurta ugu badan, oo ay ka badato cashuurta kastamada. Meelaha laga KORDHIN karo waxa ka mid ah: Isgaadhsiint, Xawaaladaha, Cashuurta Macaashal-macaashka, Cashuurta Gediska, Iibka Hantida Dawladda IWM.

Waxa soo raaca; Kharashka Madaxtooyada ee aadka u badan, oo la shaandheeyo.

 

  1. Maamulku wuxuu qaloocdaa, marka dastuurka iyo xeerka la baal maro:

Sharcigu, wuxu ilaaliya hab-nololeedka mujtamaca. Marka lagu dhaqmi waayo, waa la AMBADA. Ra’yi badan oo kala duwan ayaa ka dhasha. Waxa loo qaybsamaa, KOOXO iyo QABA’IL. Waa xaaladda DALKU ku sugan yahay maanta. Xukuumaddu waa KOOXO. Xer-dejintu waa KOOXO. Garsoorku waa KOOXO. Qaybsanaantaa waxa ku tasoobay, dantii caamka ahayd iyo hab-nololeedka DADWEYNAHA, oo ukala baxay sidan:-

  1. Qayb nolo-shoodu aad u sareyso: Sida Madaxda sare ee DAWLADDA iyo Ganacsato waaweyn.

2     Qayb Dan-yar ah; Dukaanada yar-yar, Kaluumaysatada, Khudradleyda, Caanoleyda, hilibleyda, reer-miyiga, Shaqaalaha Dawladda, ciidamada Qaranka iwm.

  1. Qayb Muhim ah ayaa meesha ka baxay Ganacsatadii meel dhaxaadka ahayd, markii kala xaddeynta ganacsiga la fulin waayey.
  2. Qayb aan dab loo shidin, qaarkood ay u dheer tahay: Caafimaad darro, Da’, shaqo la’aan, TAHRIIB iyo hooyo SILIC u dhamaaday, oo u dawarsata lacagtii, furashada il-maheedii TAHRIIBAY iwm. Aan isweydiino waxa sababay, nololashaa adag.

III. Dalku inama Gabin:

Wuxu leeyahay: Xoolo-nool; Badd; dhul-beereed; macdan iyo khayraad kale. Dadkeenu ma badnna. Waxa lagu qiyaasa, saddex milyan iyo badh. Maxaa haddaba sababay: Saboolnimada, Shaqo la’aanta, tahriibka iwm? Ummad waxa haga Madaxdeeda: Xukuumad; Baarlamaan, Garsoorka, Xisbiyada iyo Wax-garadkeeda. Waa inta is-dheelitirta ee ka ilaalisa: Maamul-xumada iyo musuq-maasuqa. Waa intay ku waajibtay, horumarka Dalka iyo daryeelka Dadweynaha. Waana halka dheeligu ka jiro.

  1. Waxaa la tabayaa Aragti dheer, Maamul- wanaag iyo Dawlad Dalka u horseeda Horumar:                                                                                                

Siyaasadda dawladihii talada Dalka soo qabtay, ka mid tahay ta maantu, waxa ay u qaateen in ay ku kasban karaan KALSOONIDA dadweynaha wasiir loo magacaabo reer iyo QABIIL. Waa arrintatiradaWasiir, Wasiir Dawla iyo Wasiir-ku-xigeen gaadhsiisay 57. Waxa iyana jira Lix iyo Labaatan Wasaaradood iyo in ka badan 12 Haya’dood.

Dalku ma u baahan yahay tirade Wasiirada/Wasaaradaha iyo Haya’daha ee intaa le’eg? Beelaha ma wada raali-gelin karaan? Kharashkooda si ka haboon, ma looga faa’idaysan karaa oo lagu KASBO kalsoonida UMMADDA?

  1. aan uga gudubno Horumar iyo sidii looga faaidayn lahaa danyarta iyo Saboolka oo shaqo laoogu abuuri lahaa iwm.                                                                                                        

Tusaale;Xukuumadda loo baahan yahay, waa mid: 17 wasaaradood iyo 17 wasiir ka kooban. Looma baahna; Wasiiru-Dawle iyo wasiir ku xigeen midnna. Kharashkaa ku baxaya, affartan wasiir, waxa looga baahi weyn yahay

DARYEELKA & HORUMARKA DADWEYNAHA.

  1. Kaydka 40 wasiir oo la dhimo waxa ka soo bixi Sannadkii:      = $ 3,000,000

 

Haddii danyarta/saaboolka Barnaamij Kobcinta Dhaqaalahooda loo dejiyo oo $200 qoyskii la amaahiyo, waxa ka faa’idaysan kara lacagta kor ku xusan 15,000 qoys. Halka40 qoys ka faai’daysato.

Waxa nasiib darro weyn ah, in Xukuumadihii iyo Baarlamaankii, talada Dalka hayay ka gaabiyeen: Daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarka bulshada iyo habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda. Waxa ay ka dayriyaan dhaqaalaha Dalka. Waxa ay yidhadaan: “Dalkeenu waa dal yar oo curdin ah, cid caawisa iyo aqoonsi haysan, oo aan dhaqaale lahayn”.BARYADAA UGA FUDUD WAX QABAKA: Haddii roobku yaraado iyo haddu batto Qayladu waa: “ Caalamku hanno soo gurmado”. Ann wax qabsano, waa arrin maan-kooda iyo maskax-dooda, ka maqan.

Shaxda hoose, waxa ay inna tusaysaa Kharashaadka laga maarmi karo ee tusaale ahaan; MIISAANIYADDA 2015 ku jira, hadii loo qondeeyo Barnaamija Kobcinta dhaqaalaha danyarta/saaboolka oo dad badani ka faa’idaysan karaan, waxa Dawlad kastaana ku kasban kartaa kalsoonida dadweynaha.

 

 Miisaaniyada hadii la huffo, la dhimo kharashka aan loo baahnayn, dadka Jamuuriyada Somaliland 10 sano ayay kaga bixi lahaayeen saboolnimada bi’idni laah

SHAXDA. I

A)                     MAGACA LACAGTA DHIGMI
Mushaharka Madaxweyne, Noqdo $ 4,000 Bishii $           88,500  Sannadkii
Mushaharka Ku-Xige. Noqdo           $ 3,500 bishii. $           55,500          “
Gunno & Xil  Guurtida   2015 $     1, 613,455         “
     “       “   “   Wakiilada 2015 $      1,700,284          “
M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay $    72,504,705          “
ISUGEYN: KHARASHKAA, GELI HORUMAR $    75,962,444          “
LOO BAAHNAYN, EE LAGU DARI HORUMAR.
B)     40 wasiir la dhimo $      3,000,000
7 Wasaaradood oo la dhimo. $      4,092,535
3% Shaqaalaha aan hawl-gelin $    25,869,129
1,142 Caaqil $      4,111,200
Hay’ado iyo guddiyo aan loo baahnayn $      2,874,652
20 La taliye Madaxweyne. Aan hawl loo diran. $         120,000
Isugeyn B) $   40,067,516
ISUGEYN   A+B $ 116,029,960
C) KORODHKA MIISAANIYADDA SANNADKII $     35,000,000
ISUGEYN   C) $     35,000,000
ISUGEYN A+B+C.  LA GELIN HORUMAR SANNADKII $   151,029,960
HORUMARKA SHAN SANO. $   755,149,800
HORURARKA TOBAN SANO. $1,510,299,600

 

Alla Mahad leh,

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi