Maxay kawada hadleen Madaxwaynaha Jsl iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan ย caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa ย waxa xafiiskiisa ku qaabilay raโ€™iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Raโ€™iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga ย labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda, ย dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada ย geeska Afrika.

Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo raโ€™iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska raโ€™iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada wasaaraha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxana ย kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa.