Maxkamadaynta dadkii lala xidhiidhinayey in ay ku lug lahaayeen Afgambigii Turkiga

Turkiga ayaa waxay bilaabeen maxkamadeynta 29 sarkaal oo boolis ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay gacan ka geysteen afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July, kaasi oo horseeeday dhimashada 270 qof.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in kuwa maanta lagu maxkamadeynayo Istanbul ay uga qeyb galeen shirqoolka iyaga oo aaan fulin waajibkoodii ahaa in ay difaacaan dhismaha uu degenaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

21 ka mid ah saraakiisha ayaa wajahaya xabsi daa’in haddii lagu helo dambiga ah in ay isku dayeen in ay afgambiyaan dawladda, halka inta kale ay wajahayaan xabsi gaadhaya illaa 15 sanno.

Turkiga ayaa afgambigaas ku eedeysay in uu ka dambeeyey wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka. Hase yeeshee Gulen waa uu beeniyey in uu wax lug ah ku lahaa.

Tan iyo wixii ka dambeyeey isku dayga afgambi, dawladda Turkiga ayaa xidhtay in ka badan 40,000 qof, halka dad kor u dhaafaya 100,000 oo shaqaale dawladdeed ahaa laga ceydhiyey shaqooyinkooda.

bandhige@gmail.com