Shirkadda diyaaradaha ee Korean Air ayaa sheegtay in ay dib u qaabayn ku samayn doonto nidaamkeeda si ay shaqaaluhu uga jawaab celiyaan haddii ay rabshadi ka dhalato diyaaradda guddaheeda.
Arrintan ayaa timid kadib markii lagu dhaliilay sida ay shaqaalahoodu u maareeyaan dhibka ka dhex dhaca rakaabka diyaaradda guddaheeda ku jira.
Richard Marx oo ah heesaa reer Maraykan ah ayaa sheegay in uu todobaadkii hore isku dayay in uu dajiyo rakaab qaswaday oo la saarnaa diyaarad u kala safraysay Hanoi iyo Seoul oo ay leedahay shirkadda Korean Air.
Marx ayaa sheegay in shaqaaluhu aysan tababar fiican lahayn, isla markaasna aysan haysanin qalab wanaagsan.
Shirkaddu waxay sheegtay in ay dib u eegi doonto bal in diyaaradda lagu dhex isticmaali karo hubka korontada rida ee dadka lagu xakameeyo.
Qorshahan dartii shirkadda diyaaaraddu waxay sheegtay in ay shaqaalaha siin doonto tabobar dheeri ah ayna qori doonto shaqaale dheeraad ah oo rag ah, si loo xaqiijiyo in diyaarad kaste uu saarnaado nin shaqaale ah sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.