Turkiga: Maamulaha mukhaayada shaaha iibisa oo sheegay in aanu koob shaah ah ka Madaxweynaha Turkgia ayaa la xidhay

Maamulaha makhaayad ku taal xarunta wargeyska Cumhuriyet oo ka soo baxa Turkiga ayaa la xidhay kadib markii uu sheegay in aanu koob shaaha ka iibiyeen madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Senol Buran, oo ah maamulaha makhaayadda ku taal xarunta Cumhuriyet, ayaa Rumaan loogu diray xabsiga waxaana lagu eedeeyey in uu caayey madaxweynaha. Qareenkiisa ayaa sheegay in uu Senol beeniyey eedayntaa waxaanu sheegay diidmada aan loo qaadan karin cay.

Turkigu wuxu caga juglayn ku hayey dadka mucaaradk ah ilaa intii uu dhacay af-gembigii dhicisoobay bishii July.

Wargeyska Cumhuriyet wuxu ka mid yahay dhawr wargeys oo cagta saaray dhabbaha Erdogan dhaliilka ah.

bandhige@gmail.com