Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada oo Koonfur Afrika ka dalbatay inay xidho Cumar Al-Bashiir

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa dawladda Koonfur Afrika ka dalbatay inay soo xidho madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir isagoo ka qayb galaya shirwaynaha 25naad ee Midowga Afrika.

Cumar Al-Bashiir ayay maxkamadda caalamiga ahi ku eedaysay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada iyo xasuuq ka dhacay gobolka Daarfuur ee Suudaan.

Al-Bashiir ayaa ka mid madaxda Afrika ee ay maxkamadda caalamiga ku soo oogtay dacwado ka dhan bani’aadamnimada.

Maxkamadda caalamiga ayaa hore u saartay Al-bashiir xayiraad dhinaca socdaalka ah. Walow ay taasi yaraysay socdaalkiisa, hase ahaatee taasi kama wada joojin in uu dalkiisa ka baxo. Al-Bashiir ayaa u booqasho ku tegay waddamo ku yaalla Afrika iyo Bariga dhexe oo ay saaxiib dhow yihiin kadib intii loo jaray waaranka caalamiga ah.

War-murtiyeed ay soo saartay maxkamadda caalamiga ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qabasho la’aanta Al-Bashiir ee Koonfur Afrika iyadoo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin Koonfur Afrika ahi.

Midow Afrika ayaa hore u diiday wada-shaqaynta Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, iyagoo ku eedayeeyey inay maxkamaddu si caddaalad darro ah u daba gasho madaxda Afrika.

Dalabkan maxkamadda waxa lagu sheegay in ay Koonfur Afrika fuliso waajibaadka qabashada Al-Bashiir.
Ururrada xuquuqda aadamaha iyo ururka mucaaridka Koonfur Afrika ayaa iyaguna ku baaqay xidhigga Al-Bashiir.

Colaadda Daarfuur ayaa bilaabantay sannadkii 2003dii markii mucaarid hubaysan oo ka dhan ah xukuumaddu ay ka abuurmeen gobolka Daarfuur.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay dagaalkan ku dhinteen in ka badan 300,000 qof, kuwaas intooda badani u dhinteen cudurrada faafa.

Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada ayaa dhammaysay baadhista dacwadan ka dhanka ah Al-Bashiir ee dambiyada dagaalka. Ka dibna soo saartay waaran caalami ah oo lagu xidhayo Al-Bashiir 2009, kaas oo aan wali aan fulin.

Shirwaynaha 25-aad ee Midowga Afrika ee uu ka qaybgalayo Al-Bashiir ayaa sannadka lagu lafoguri doonaa sidii loo horumarin lahaa arrimaha haweenka.

Waxa kale oo lagaga hadli doonaa qalalaasaha ka jira wadanka Burundi iyo Koonfurta Suudaan, dagaallada argagixisada ee Booko Xaaraam iyo Al-Shabab.

Dhinaca kale, waxa qaaradda ka jira kacdoono siyaasadeed iyo qasas ka taagan Burundi, Koonfurta Suudaan iyo waliba kacdoonka lagaga soo horjeedo ajaanibka Koonfur Afrika.

Shirarka Midowga Afrika ayaa had iyo jeer lagu dhalleeceeyaa arrimaha ka taagan qaaradda. Sannadkan waxa la filayaa in aanu wax badan ka duwanayn kuwii hore.

Khabiirrada falanqeeya arrimaha Afrika ayaa sheegay in ay dood adagi dhici doonto laakinse natiijadu noqon doonto mid madow oo aan wax badan beddelin.

Marti-gelinta shirwaynaha 25-aad ee Midowga Afrika ayaa lagu qaban lahaa Jaad, hase yeeshe waxa la beddelay daqiiqadihii ugu danbeeyey oo la go’aansaday in lagu qabto Koonfur Afrika sababo cabsi ah awgood.

bandhige@gmail.com

.