Maxkamadda Ciidamada Qaranka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan ciidanka

Maxkamadda Ciidamadda Qaranka ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Cabdilaahi Cabdi Cilmi oo ay da,adii tahay 55, iyada oo ay maxkamaddu sheegtay inuu si badheedh ah ugu toogtay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Cismaan Cali (Cabdi Nano).

Maxkamaddu waxay sheegtay in go,aankaas ku gaadhay fadhi ay shalay yeelatay laguna go,aamiyey go’aanka dilka ah.

Qoraalka xukunka dilka ah oo ay Maxkamaddu soo saartay ayaa waxa uu u dhignaa sidan

Maxkamaddu markii ay aragtay Qodobka 195 ee xeerka ciqaabta ciidamada xilliga nabada iyo xeerka ciqaabta guud waxay maxkamadda sharafta lihi xukuntay racfaanle Cabdilaahi Cabdi Cilmi oo 55 jir ah, hooyadiina la yidhaahdo Faadumo Axmed.

Waxay maxkamada sharafta lihi ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii ay cadaatay in uu si ula kac ah u dilay Alle ha u naxariistee Marxuumka magaciisa la odhan jiray Cabdi Cismaan Cali (Cabdi Nano) taariikhdu markay ahayd 2di bishii Juun ee 2015ka.

Dilkan marxuumka loo gaystay ayaa waxa uu ka dhashay muran dhuleed oo ka dhacay deegaanka Masallaha ee Hargeysa, murankaas oo ka dhexeeyey dhinacyada dilku ka dhacay, hase ahaatee waxaan odhan karnaa waxaa marba marka kasii dambaysa soo badanaaya dhulka Somaliland dhibaatooyinka dhulka kuwaas oo bulshada u hor seeda dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo khasaare.

bandhige@gmai.com