Maxkamadda Sare ee Masar oo ansixisay fulinta dilka Madaxweyne Maxamed Mursi

Maxkamadda Sare ee Masar ayaa Salaasadii maanta ansixisay dilka Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi kadib markii ay la tashatay muftiga ugu sarreeya dalkaas oo door talobixin ah ku leh fulinta xukunnada dilka ah.

Maxkamad ku taal Qaahira ayaa 16kii May 2015 dil ku xukuntay Madaxweyne Mursi ka dib markii ay sheegtay in ay ku heshay danbi la xidhiidha jebinta dhawr xabsi oo ku yaal meelo kala duwan oo dalka Masar ah iyo fududaynta baxsashada 20,000 oo maxbuus oo uu ku jiray Mursi laftiisu.

Jeelasha lagu eedeeyey Mursi waxa la jabsaday wakhtigii ay socdeen kacdoonnadii xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarik, kacdoonnadaas  oo sababay in markii dambe Maxamed Mursi loo doorto madaxweynaha Masar.

Mursi iyo rag kale oo la xidhan waxa hore loogu eedeeyey in ay Xamaas iyo ururka Shiicada ah ee Xisbullah wada-shaqayn la sameeyeen basaasiina u noqdeen, ururradaas oo ku suntan argagixiso.

Qaraarka ay maanta maxkamaddu gaadhay waa kii ugu xumaa ee Maxamed Mursi iyo xisbigiisii Akhwaanu-Muslimiin ay filan karayeen.

Maxamed Mursi waa madaxweynihii koowaad ee ku yimid codka shacabka Masar, kaas oo ciidamada milatarigu ka tuureen kursiga July 2013 ka dib markii uu dhacay kacdoonka shacab ka dhiidhiyey wax ay ku macneeyeen “dadka oo siyaasad ahaan loo kala qaybinayey”.

Maxamed Mursi waxa bishii April 21-keedii lagu xukumay 20 sanno iyadoo maxkamaddu shaacisay in ay ku heshay danbi la xidhiidha dilka dad ka hor banaan-baxayey madaxdooyada Qaahira December 2012kii.

Ilaa maalintii maxkamadayntiisu bilaabantay Mursi wuxu ku adkaysanayey in aanu gabi ahaan aqoonsanayn dacwadaha lagu soo oogay.

Cabdifataax Al-Sisi , taliyihii ciidamada qaranka haatana ah Madaxweynaha Masar ayaa Mursi kursiga madaxnimada ka tuuray 3dii July 2013.

Wixii intaas ka dambeeyey taageereyaasha Mursi iyo ururka Akhwaanu-Muslimiin wuxu u adeegsanayey gacan bir ah, ololihii uu ku qaadayna waxa ku naf waayey boqolaal waxana ku xorriyad waayay kumanaan.

Boqolaal qof oo taageerayaashiisa ah ayaa dil lagu xukumay kuwaas oo ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay qaar aan la filanayn taariikhdan casriga ah.

Af-hayeenka Akhwaanu-Muslimiinta oo fadhigiisu yahay Istanbuul, Turki, ayaa sheegay in xukunkan maanta la ansixiyey uu filanwaa ku noqday ururkooda. Laakiin wuxu xusay in ururkoodu soo jiray in ka badan 80 sanno weligiina jiri doono.

Sheekha weyn ee Yuusuf Qardaawi oo u dhashay Masar laakiin mastaafuris ugu maqan Gadar ayaa cambaareeyey xukunkan maanta ay maxkamaddu jadiidisay.

Sidoo kale waxa cambaaraysay Amnesty International oo ah hay’ad xuquuqda aadamaha u dooda waxayna go’aankan ku macnaysay mid ku salaysan “been-abuur.”

bandhige@gmail.com