Maxkamadda Sare oo laashay heshiiskii xisbiyada ayiddayna go’aankii Guurtida

Maxkamadda Sare ayaa maanta laashay heshiiskii xisbiyada mucaaridku iyo xukuumaddu ay gaadheen 27kii May oo dhigayey in doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilladu qabsoonto Diisambar 2016.

Maxkamaddu waxay ayidday go’aankii Golaha Guuritda ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada ilaa 27-ka April 2015, taas oo sida ku cad go’aanka Maxkamadda ay doorashadu dhici doonto 28 Maarj, 30 maalmood ka hor xilliga ay ku eg taay muddada loo kordhiyey Madaxweynuhu.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay hareero fadhiyaan toban garsoore ayaa fadhiga maanta kaga dhawaaqay go’aammada Maxkamaddu ka gaadhay muranka, ka dib markii dhawaan madaxweynuhu uu u gudbiyay maxkamadda inay filaad ka soo bixiyaan muranka xilliga doorashadda.

Saddexda Guddoomiye xisbi ayaa aqbalay go’aanka maxkamadda.

Hoos ka akhriso faallo hore oo la xidhiidha go’aanka Maxkamadda.

Faallo: Maxaa ka soo bixi doona Maxkamadda Sare la-tashigii xisbiyada qaranka kadib?

Daawo muuqaalka go’aankii Maxkamadda Sare ee maanta:

bandhige@gmail.com