Maydadka 10 askari oo ka tirsan Ciidamada Ugaandha oo maanta Muqdisho laga dhoofiyey

Maydadka 10 askari oo ka mid ahaa ciidamada Ugaandha ee ku nafwaayey weerarkii gaadmada ahaa ee ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidanka Ugaandha ee degmada Janaale, ayaa maanta laga duuliyey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maydadkaasi oo la gayn doono dalka Ugaandha, halkaas oo lagu wareejin doono dadkoodii, si ay qoysaskoodu aas ugu sameeyaan,

Sidaa darteed waxa uu Af-hayeen u hadlay ciidamada dalka Ugaandha uu sheegay in aan wali haatan aan si rasmi ah loo ogayn tirada saxda ah ee Ugaanda ka dhimatay weerarkii Salaasadii ee la la beegsaday saldhiga ciidamada Ugaandha ee Janaale.

Sida ay xaqiiiyeen diblomaasiyiin reer Galbeed ahi ayaa waxa la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa 50 askari, halka la’layahay ilaa ku dhawaad 100 askari, halkaasi oo uu ilaa shalay baadi goob askartaasi ahi ka socday gudaha Janaale.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey AMISOM iyo Taliska Ciidanka Ugaandha tirada saxda ee ku dhimatay weerarkaasi ayaa iyagu ka gaabsaday in ay wax tafaasiila ka bixiyaan.

Waxaa isaguna safar aan hore loo shaacin ku yimid dalka Soomaaliya Taliyaha Ciidanka EPDF jeneral Katumba Wamala, safarkaasi oo la xidhiidhay u kuurgalida qaabka loo fuliyey weerarkaa khasaaraha badan geystay, iyo xaalada Amni.

bandhige@gmail.com