Mudaraharaadyadii Malaysiya oo wali socda

Tiro lagu qiyaasay laba boqol oo kun oo qof ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku xoonsanaa Fagaaraha Xorriyadda Kuala Lumpur, xarunta Malaysiya, iyagoo waxayna ku qaylinayaa “Ha is casilo ra’iisal-wasaare Najiib Rasaaq.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cadhaysan dhukumentiyo sir ah oo la faafiyey oo muujinaya in Ra’iisal Wasaare Najiib oo leexsaday lacag dhan todoba boqol oo malyuun oo Doollar.

Bannaan-baxa ayaa sii xoogaystay kadib markii Axaddan maanta uu si lama-filaan ah mudaharaadka uga soo qayb-galay ra’iisal-wasaarihii hore ee Malaysiya Mahathir Maxamed oo ah nin aad looga qadariyo dalkaas.

Mahathir Muxamed markii uu fagaaraha soo istaagay waxa is qabsaday qaylo, sawaxan iyo raynrayn ka badatay mudaharaadeyaashii. Wuxu u sheegay in ay qaylada iyo oohinta sii kordhiyaan si ay Malaysiya u noqoto waxa ay doonayaan.

Goor dambe oo caawa ah waxa ku beegan 58-guurada qarannimada Malaysiya, waxana la filayaa in munaasibaddani soo gasho iyada oo wali ay mudaharaadayaashi taagan yihiin Fagaaraha Xoriyadda.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Malaysia ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabmeen ifafaale muujinaya mudaharaadyo ka dhan ah Ra’iisal-Wasaare Najiib Rasaaq.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Malaysiya oo Sabtidii la hadlay warbaahinta dunida ayaa sheegay in kuwa shaadhadhka huruudda ah soo xidhay ee isasoo tubay Fagaaraha Xorriyaddu ay yihiin qaar ceebaynaya Malaysiya xalna aan doonayn, wuxuna dafiray in uu wax is daba mariyey.

Bandhige@gmail.com