Muftiga guud ee Sucuudiga oo dalkaas ka mamnuucay ciyaarta Jesta

Sucuudiga ayaa laga mamnuucay ciyaarta Jesta ama “chess” loo yaqaan kadib markii uu muftiga Sucuudigu soo saaray fatwo uu ku sheegayo in ciyaartani ay ka mid tahay kuwa lagu tiriyo khamaarka sidaas daraadeedna aanay diinta Islaamku oggolayn.

Sheekh Cabdillaahi Aala Sheekh wuxu sidoo kale sheegay in Jestu ay tahay ciyaar wakhti lumis ah oo muddo dheer la dul fadhiyo isla markaana cadaawad iyo nacayb ku kala dhex abuurta kuwa wada ciyaara.

Muftiga guud ee dalka Ciraaq Sheekh Cali Al Sistaani ayaa isaguna horey u mamnuucay ciyaartay isagoo ku tilmaamay mid khamaar ah isla markaana wakhti lumis ah sidaas daraadeedna aanay diinta Islaamku aqbali karayn.

Sannadkii 1979-kii ayaa Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iiraan dalkooda ka xaaraantimeeyeen ciyaarta Jesta iyagoo sheegay in ay shabahdo khamaarka. Hase ahaatee hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalkaas Aayatullaah Ruuxaani Khumeyni ayaa 1988-kii fasay isaga oo shardi ka dhigay in aan khamaar ahaan loo ciyaarin.  Intaas wixii ka dambeeyey dariiqyada iyo suuqyada Iiraan waa lagu ciyaaraa iyada oo ay hadda jiraan koox Iiraan u ciyaarta Jesta oo uga qayb-gasha tartannada caalamiga ah.

Sida uu weriyey wargeyska caanka ah ee The Guardian, go’aankan cusub ee uu soo saaray muftiga Sucuudigu wuxu u muuqdaa in uu dadweynaha dalkaa ku noqday mid aanay wakhtigan filayn.

Bandhige@gmail.com