Muftiga Sucuudiga oo sheegay in dhacdadii xajka ka dhacay ay ka baxsanayd maamulka bani-aadamka

Mufitiga ugu weyn Sucuudiga Sheekh Cabdicasiis Al-Sheek ayaa sheegay in isjiidhkii ka dhacay xajka ee ay ku dhinteen 719-ka qof ay ahayd dhacdo ka baxsan maamulka bani-aadamka

Isjiidhkan ayaa ahaa dhacdadii ugu xumayd ee ka dhacda rubuc qarnigii ugu danbeeyey, taas oo ay Eeraan ku eedaysay Sucuudiga masuuliyada dhacdadan.

Sheikh Cabdicasiis ayaa u sheegay Boqorka Sucuudiga oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha in aanay Sucuudigu ka masuul ahayn dhacdadan, isagoo arrintaas sheekhu ka hadlayana waxa uu yidhi:

Tani waxay mid aanu bani-aadamku xakamayn karin oo ka baxsan maamulkood, waxaanay ahayd mid qoran oo qadarka Eebe, kuma eedayn karo cid gaar ah.”

Dhinaca kale Boqorka Sucuudig Salmaan bin Cabdicasiis Al-Sucuud ayaa amar ku bixiyey in la baadhitaan degdeg ah oo lagu samaynayo waxa sababay in ay 719 xaaji ku geeriyoodaan 863 qofna ku dhaawacmaan maalintii Ciid-Al-Adxada iyagoo gudanaya xajkoodii.

bandhige@gmail.com