Suuriya: Hub uu Maraykanku ku taageerayey kooxaha la dagaalama dawlada oo gacanta u galay Al-qaacida

Falaago uu Maraykanka taageerayey oo ka soo horjeeday dawladda Bashaar Al-asad oo uu Maraykanka siiyey hub iyo tobabaro dhinaca ciidanka ayaa hubkii la siiyey ku wareejiyey kooxo Al-qaacida ka tirsan, sidaasna waxa sheegtay waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagonka.

Mareykanka ayaa tababar u fidinayay fallaagooyinka la dagaallamaya ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamiga ee Suuriya. Pentagon-ka ayaa sheegay in uu baadhayo sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale, Hogaamiyaha ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah, ayaa xaqiijiyay in heshiis xabbad joojin lix bilood ah ay galeen falaagada Suuriya iyo xooggaga taabacsan xukuumadda Al-asad.

Ururka Xisbullah ayaa muddo dheer ka garab dagaallamaya ciidammada maamulka Bashar Al-Assad, si uu u sugo ammaanka soohdinta ay Suuriya la leedahay Lubnaan.

Dagaalyahanno ka tirsan falaagada la dagaalamaysa ciidammada dowladda, ayaa ku go’ doonsan magaalada Zabadani, waxaana ay weerarro xooggan kala kulmeen ciidammada maamulka Assad.

Dhanka kale waxa jira laba deegaan oo ay degan yihiin dad Shiico ah, kuwaasi oo iyagana weerarro joogta ah kala kulma xooggaga fallaagada.

Gobolka Idlib ayaa gebi ahaanba waxa uu gacanta u galay isbahaysiga fallaagada ee la magaca baxay Jeyshul Fatxi.

Qaramada Midoobay ayaa isku dayaysan in ay heshiis dhex dhigto dhinacyadaasi dagaallamaya.

bandhige@gmail.com