Mulkiilaha Summer Time, Siciid Sheekh Cumar, wuxu ka qayb-galayaa kulan Obama u furayo ganacsatada hal-abuurka leh ee adduunka

Sheekh Siciid Sheekh Cumar wuxu ka mid noqday ganacsatada loo xulay in ay ka qayb-galaan Shirka Caalamiga ah ee Ganacsatada Hal-Abuurka Leh oo ku qabsamooya Nayroobi. Shirkan waxa balaysimaya Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Sheekh Siciid wuxu ku guulaystay in uu noqdo labada qof ee metelaya Bariga Afrika, taas oo guul u ah qaranka Somaliland.

Shirkani wuxu socon doonaa 25-ka ilaa 26-ka July 2015, waxana lagu dhiirigelinayaa ganacsatada kuwooda maskaxda furan ee wax abuuri kara.

Sheekh Siciid Sheekh Cumar wuxu 2003-dii furay makhaayadda caanka ah ee Summer Time, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya lagu arko isbeddelo hor leh iyo horumar muuqda. Dhawaan wuxu ku soo kordhiyey Green Plaza oo ah hool xafladaha lagu qabsado iyo Summertime Apartments oo ah hudheel la seexdo. Sidoo kale Sheekh Siciid wuxu gacanta ku hayaa dhismaha huteel weyn oo hurdo oo dhawaan la furi doono.

Sheekh Siciid waxa la filayaa inta uu shirka la tagay firkrado shirkaddiisa iyo qarankiisaba guulo u soo hoyn kara.

Bandhige@gmail.com