Murankii dacwada magaca ee u dhexeeyey Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacad cusub oo magaca Hargeysa qaatay oo la afmeeray

Guddoomiyhii hore ee Jaamacadda Dr. Cabdi Gaas iyo kooxa la socoto oo ayaa dhowaan aasaastay Jaamacad la magac baxday Hargeisa International University oo ay dacwad magaca ahi ku oogeen Jaamacada Hargeysi ayaa waxa la gunaanaday dacwadaas ka dib markii maamulka Jaamacada cusubi ayaa sheegeen in ka tanaasuleen magacii Hargeysa oo ay jaamacadood u bixiyeen Maroodi-jeex International Universiy.

Dacwada u dhexeysa labadan Jaamacadood ayaa waxa uu bilaaban tahay todobaadkii hore, taas oo jaamacada Hargeysa jaamacadan ku eedaysay inay si sharci darro ah magaceeda u qaadatay.

Dacwadan la galay laba fadhi oo ayaa fadhigii ugu dambeeyey ayey maamulka jaamacadda cusubi ku dhawaaqeein in magacaasi ka tanaasuleen.

Aasaaskan jaamacadan cusub ayaa waxa lagu dhawaaqay ka dib markii maamulkii jaamacada Hargeysa oo uu Guddoomiye u ahaa Dr. Cabdi Gaas oo haatan Guddoomiye ka ah jaamacada cusub uu muran ka dhex abuurmay maamulkii markaas maamulkeeda hayey, ka dibna dhammaanteed la eryey qaarna ay iscasileen.

bandhige@gmail.com