Murashaxiinta Kulmiye oo la faray in ay ka soo xaadiraan xarunta xisbiga si ay u buuxiyaan shuruudaha murashaxnimada

Xoghayaha xisbul-xaakimka ayaa shalay galinkii dambe soo saaray war-saxaafadeed uu ku farayo murashaxiinta Kulmiye ee u tartamaya madaxweynaha iyo ku-xigeenka in ay saddex maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maanta ay isaga soo xaadiriyaan xarunta xisbul-xaakimka ee Hargeysa.

Xoghayuhu wuxu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in ujeeddadu tahay in ay murashaxiinta u sheegaan shuruudaha laga rabo si ay u buuxiyaan si loo sharciyeeyo murashaxnimadooda.

Sida ku dhigan war-saxaafadeedka, la-kulanka murashaxiintu wuxu bilaabmayaa maanta wuxuna dhammaanayaa 6-da November 2015, afar maalmood ka hor wakhtiga uu qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Hase ahaatee su’aal muhiim ahi waxa ay tahay go’aanka ay murashaxiinta is-bahaystay ka qaadan doonaan yeedhitaankan xog-hayaha guud.

Shir ay isbahaysiga murashaxiinta Kulmiye Isniintii ku qabsadeen Hargeysa waxa ay sheegeen in Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye uu u afduuban yahay Guddoomiyaha Xisbiga, in aanay ku kalsoonayn guddida dhexdhexaadinta ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay iyo in aanay ka qayb-qaadan doonin shirka Golaha Dhexe haddii uu ku sii socdo sida uu hadda yahay agaasinkiisu.

Is-bahaysiga murashaxiinta oo ka kooban Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe waxa kale oo ay ka digeen in la sameeyo murashaxiin aan dhab ahayn oo lagu qurxinayo natiijada ka soo bixi doonta Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.

“Waxa la samayn doonaan murashaxiin beenbeen ah si loo qurxiyo natiijada ka soo bixi doonta Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye” ayuu yidhi Samaale oo ka hadlayey shirkii Is-bahaysiga Murashaxiinta ee Isniintii.

Lama oga go’aanka ay hoggaanka Kulmiye ka qaadan doonaan haddii murashaxiintani ay u hoggaansami waayaan yeedhitaankan.

Bandhige@gmail.com