Nayjeeriya waxa lagu dilay 11 qof weerar Kaniisad lagu qaaday

 

Mas’uuliyiinta dalka Nayjeeriya ayaa sheegay in 11 qof lagu dilay, 18 kalena si darran loogu dhaawacay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla koonfurta bari ee dalkaas.

Goobjoogeyaal, ayaa markii hore sheegay in weerarka ay fuliyeen laba nin oo hubeysan, hase yeeshee Garba Umar, oo ah madaxa booliiska gobolka Anambra ayaa sheegay in hal nin kaliya uu fuliyey weerarka kaniisadda katooliga ee St. Philip, Axaddii.

Guddoomiyaha gobolka Anambra, Willie Obiano ayaa sheegay in weerarka uu salka ku hayo muran u dhaxeeya dad ku nool meel ka baxsan Nayjeeriya. isagoo arrintaasi ka haldayana waxa uu yidhi:

“Ma nasan doonno illaa aan kasoo qabano kuwii ka dambeeyey weerarkan foosha xun.”

Koonfurta bari ee dalka Nayjeeriya ayaa waxa ku badan dadka Kiristanka a ah, islamarkaana weerar lagu qaado kaniisad ayaa ah wax naadir ah.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee booliisku waxay sheegeen in aysan rumeysneyn in kooxda Boko Haram ay ka dambeysay.

bandhige@gmail.com