Ololaha badbaadinta shinida oo Hargeysa lagaga dhawaaqay

Waxa Hargeysa lagaga dhawaaqay ololaha badbaadinta shinida, ololahan ayaa ujeedadiisu tahay badbaadinta shinida iyo ku baraarujinta bulshada daryeelka iyo badbaadinteeda.

Ololahan uu horkacayo Suxufi Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse “Heersare” oo lahaa hindisaha ololahan oo qayb galeen bahda warbaahinta, dad weyne kale oo aqoon u leh dhaqashada shinida iyo dhallinyaro.

Ugu horeyn waxa ka hadlay Cabdishakuur Xaaji Muuse “Heersare”oo faahfaahin ka bixiyey sababihii ku kalifay ololahan waxaanu yidhi:

“Ilaahayba mahadleh maanta waxaa noo suurta gashay in aanu halkan kaga dhawaaqno olole in muddo ah maskaxdayda ka dhex guuxayey hirgalintiisa kaasi oo aan ugu magac daray (Ololaha wacyigelinta badbaadinta shinnida), Waana olole ka waramaya oo xambaarsan qaabka shinnida loo badbaadiyo, loo dhaqaaleeyo, iyo in loo arko inay shinidu tahay wax lala noolaan karo.”

Isagoo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi:

“Wakhtiyadan shinidu ma hesho ubuxii ay malabka inooga sameyn jirtay, oo iyada oo qoxoonti aad moodo ayay magaalooyinka soo gashay, sidaa awgeedna waxaa loo baahan yahay in la soo dhaweeyo oo si nabad-gelyo ah lagula noolaado. Anigu waaxaan ka shaqeyn jiray shinnida muddo aad u farro badan waxaan odhan karaa waxay la falgashay noloshayda, malabkeeduna gurigayga kama faaruqo, waxaan dhaqashada shinnida bilaabay 1998kii ilaa wakhtiga oo aan ku dhex jiro, buugaygii jaamacada aan kaga baxay 2008-dii waxaan wax ka qoray, doorka wax soo saarka shinnidu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha, ayu yidhi Cabdishakuur. Waxaana ka mid ahaa hal-ku-dhigyada uu Cabdishakuur sticker-ka ku qoray “Ka badbaadi oo ka saar marka ay ku dhacdo shaaha kulul, biyaha iyo dareere kasta oo sababi kara inay ku dhimato.” iyo “La saaxiib shinnida oo iska saar cabsida ah inay ku qaniinayso.”

Waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Daahir Yuusuf “Maxamed Shinniile” waxaanu ka hadlay ololahan badbaadinta shinnida, ayaa sheegay in shinnadu tahay noole uu ilaahay karaameeyey una baahan tahay in la daryeelo, waxaanu yidhi:

“Waxaa loo baahan yahay in lala saaxiibo oo laga fikiro sidii loola noolaan lahaa. Hargeysi berigii hore may aqoon shinnida oo way ka ducaysan jirtay waana ay daadin jirtay, laakiin maanta aad ayaa loo yaqaannaa oo horumar ayay leedahay. Waa la soo dhawaystaa oo waa laga faa’idaystaa. Inankan (Heersare) waan u taagnaa meel u ka soo uruurinayay oo uu xannaanaynayay.”

Wuxuu intaa raaciydy oo uu yidhi:

“Shinnadu dawooyin ayay leedahay oo micideedaa laga cararayo ayaa dawo ah. Xiddida, roomatiisanka iyo qaniinyada dacawada iyo ayda waaalan meel kale dawadooda lagama keeno waxa laga keenaa shinnida irbaddeeda.”

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay XildhibaanSiciid Maxamed Libaax oo ka tirsan gollaha guurtida Somaliland,waxaanu halkaasi ka sheegay inuu ololahani yahay mid aad loogu baahnaa waddankeena waxaanu yidhi:

‘’Marka hore waxaan u hambalyeynayaa inanka fikirkan keenay iyo bahda saxaafadaba, runtii ololahahina waa mid loo baahnaa, waayo Ilaahay wuxuu inagu eegayaa sida aad u ilaalino xayawaanka ama noolihiisa, haddii aad ilaalin waydo isna kuma ilaalinayo, waxaan aad ugu hambeyeynayaa mar labbaad dadka hawshan jeebkooda ka soo diyaariyey.”

Ugu dambeyntiina waxa hakaasi ka hadashay Saynab Maxamed Cabdi oo ka mid ah bahda warbaahinta ayaa xustay in saxaafadda looga baahan yahay in sidan oo kale loo hindiso ololeyaal dadka noloshooda wax ku soo kordhinaya waxaanay tidhi:

“Runtii waxa jira waxyaabo badan oo hadii aynu samayno aynu ka helayno xasanaad iyo wanaagbadan oo uu ugu horeyeeyo ololahan Badbaadinta shinnida, Waad u jeedaano maanta cid soo jeedisay iyo cid maalgalisay toona ma jirto oo Cabdishakuur Heersare ayay maskaxdiisa ka timid, runtii anaguna waxaanu diyaar u nahay inaanu wax la qabano, xaqiidii aniga qudhayda aad bay ii farxad gelisay inaan maanta aynu heshiinay ka shaqaynta iyo badbaadinta shinida.”

 

bandhige@gmail.com