Wasiirka Khayraadka Biyaha oo ka warbixiyey mashaariicda socota ee biyaha

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda biyo-ballaadhinta ee ka socda dalka ee laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Wasiirka biyaha oo  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa ka waramay mashaariic dhawr ah, oo kor loogu qaadayo soo saarista biyo nadiif ah, oo laga cabi doono magaalooyinka Berbera, Burco, Ceel-afwayn, Laascaanood iyo Hargeysa, oo haatan ka ugu balaadhani uu meel wanaagsan marayo, mashaariicdaasi oo dhamaantood laga maal geliyey sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Waxaanu halkaasi uu kaga waramay wasiirku heerarka ay haatan kala marayaan mashaariicdaasi waxaanu yidhi sidan’’ Waxaa magaalada Berbera laga hirgalinayaa qorshaynta Biyaha (Master Plan) oo ah sidii ay mustaqbalka ku heli lahayd biyo, oo ay Hay’ada lagu magacaabo Terre Solidaire ka bilawday kowdii bishan aynu ku jirno.

Sidoo kale waxa haatan gacanta lagu hayaa balaadhin lagu samaynayo biyaha ka soo baxa deegaanka Dubaar ee koonfurta Berbera, halkaas oo laga hirgalinaayo ceelasha ka soo maaxda dhulka hoostiisa

Runtii waxaa igu maqaalo ah warar dhawaan suuqa la soo galiyey oo ahaa biyaha magaalada Berbera waxaa lagu wareejinyaa ganacsato madaxbanaan, hadalkaasina waxaan leeyahay waxba kama jiraan oo dacaayadii suuqa, cid gaar ah oo biyaha lagu wareejinayaana ma jirto, qorshaha wasaaraddana maaha mid ku jirta arintaasi.

Dhinaca magaalada burco waxa laga hirgalinyaa labba taangi oo waa weyn oo ah kuwa dadweynaha biyaha loogu kaydiyo oo midkiiba qaadayo 500 foosto, taangiyadaasi waxaanu ugu dan leenahay in lagu nasiyo mishiinada biyaha soo saara ee 24ka saacadood shaqeeya, waxa kale oo halkaa la dhigayaa beeb 14 kiilo mitir ah oo biyaha lagu gaadhsiinaayo meelaha aanay wali gaadhin biyuhu, waxaana haatan gabogabo ah qandaraaskii dhigista beebka,

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha biyood magaalada laascaanood oo iyadu ah magaalada kaliyaata ee aan helin biyo nadiif ah, waxaanu yidhi ‘’ Markii hore SDF waxay ugu talagashay sahamin lagu baadhayo Hareeraha magaalada laascaanood si loo ogaado meesha biyo macaan looga keeni karo magaalada laascaanood oo loogu tallo galay lacag dhan $700,000 iyada oo markii dambena lagu soo daray $1milyan oo kale.

Markaa waxaa magaalada laascaanood loo hayaa $1700,000 oo ah sahamin iyo ceelal la qodayo, oo hadii biyo meel biyo macaan leh loo helo hawsha lagu bilaabayo, shirkadii qandaraaska heshay oo ah shirkad Kiiniyaan ah ay dalka bari imanayaan,toddobaad gudihiina ay hawsha ku bilaabayaan.

Dhinaca magaalada Ceel-afweyn markii hore waxaanu u haynay lacag dhan $5,000 haddana waxaanu ugu soo darnay $6,000 oo kale, oo aanu is leenahay biyaha halagu soo galiyo marka ceelka loo qodo, waxa kale oo aanu sugaynaa shirkad la yidhaahdo DNO oo ah shirkad ka shaqaysa Batroolka ee ceel biyood ugu deeqday deegaanka Xudun, Darar-weyne iyo Ceel-afweyn, oo ay bishan aakhirkeeda bilaabi doonto shirkadu,

Ka dibna uu mashruuca SDF uu bilaabi doono galinta biyaha magaalada, ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka biyaha Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirku intaasi ku daray oo uu sheegay in deegaanada Fiqi-fuliye iyo Kulaal laga hirgalin doono dhaamam, waxaanu yidhi ‘’ Deegaanada Fiqi-fuliye iyo Kulaal waxaanu u haynaa lacag dhan $5,000 oo labbada magaalo loogu kala dhisayo labba dhaam biyood, oo ay hawshoodu hadda socoto,

Intaasi ka dibna waxa uu wasiirku ka hadlay sababta keentay dib u dhaca mashaariicdani uu ku sifeeyey inay salka ku hayaan habka bixinta lacagta iyo maamulkeeda oo ay dhigeen qaadhaan bixiyayaasha iyo shirkadaha gacanta ku haya sanduuqa horumarinta Somaliland SDF, isaga oo ka codsaday in loo fududeeyo hawlaha mashaariicda biyaha taasi oo aad loogu baahan yahay wakhtigan.

bandhige@gmail.com