Orodyahan Itoobiyaan ah ayaa ku dhowaaqay in uu mudaaharaad ka dhigayo tartanka orodka ka dhici doona London

 

Oradyahanka reer Itoobiya ee dibed jooga ah Feyisa Lilesa ayaa wacad ku maray in uu dawladda ku mudaaharaadi doono Axadda marka magaalada London lagu qabto tartanka orodka ee Maaratoonka, isaga oo sheegay in uu “dhiig ka qulqulayo” dhulkiisa hooyo.

Feyisa ayaa dareenka caalamka qabsaday markii tilmaan mudaaharaad sameeyay isaga oo ka talaabaya xariijintii u dambaysay ee tartankii maaratoonka ee 2016-kii lagu qabtay magaalada Rio ee dalka Brazil.

Calaamadaas mudaaharaadka ayuu ku taageeray dadkii Oromada ahaa ee dawladda ku mudaaharaadayay.

Waraysi uu siiyay Qaunta ciyaaraha ee BBC ayuu ku sheegay in uusan ka mugooyinaynin ficilkiisa.

Wuxuu sheegay in uusan Itoobiya ku laaban doonin inta ay talada hayso xukuumadda hadda jirta maadaama oo si toos ah loo dili doono ama loo xidhi doono amaba loo diidi doono in uu mar dambe dalka ka baxo.

Feyisa ayaa diiday in uu Itoobiya ku laabto ka dib markii uu dhammaaday tartankii uu Brazil kaga qaybgalay, inkastoo ay dawladdu sheegtay in sidii halyay loo soo dhawayn doono.

Hadda wuxuu ku nool yahay dalka Maraykanka isaga oo ay ku weheliyaan xaaskiisa iyo carruurtiisa wuxuuse ku joogaa dal ku gal aan degenaansho ahayn.

Feyisa markii uu kaalinta labaad ku galay Rio wuxuu noqday ninkii u horeeyay ee oradka maratoonka labada kaalmood ee u horeeya ka gala tan iyo 2000.

Waxaa kaalinta koobaad ka qaaday Eliud Kipchoge oo reer Kiiniya ah.

Markii uu xariijinta ka sii tallaabayay ayuu gacmaha isu dhaafiyay sida xarafka X, isla calaamaddaas ayaana astaan u ahayd mudaaharaadyada dadka Oromada ah oo ah qawmiyadda ugu badan Itoobiya, taas oo gacan adag kala kulantay dawladda Itoobiya.

bandhige@gmail.com