Putin waxa uu ka hadlay dilkii safiirkii Ruushka u fadhiyey Turkiga

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyey, kuna sheegay ficil argagixiso weerarkii lagu dilay safiirkii Ruushka ee magaalada Ankara. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Shaki kuma jiro in fal-dambiyeedka la gaystay uu yahay mid looga gol leeyahay in lagu xumeeyo xiriirka Ruushka iyo Turkiga iyo hanaanka nabadda Syria, ayada oo ay gacan ka gaysanayaan Russia, Turkey iyo Iran”

Askari aanan markaasi shaqada ku jirin oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Turkiga ayaa habeenimadii Isniinta toogasho ku dilay safiirkii dalka Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara ee Turkiga.

Danjire Andrei Karlov ayaa khudbad ka jeedinayey carwo lagu soo bandhigayey sawirro, markii uu toogashada ku billaabay nin si wanaagsan u labisnaa oo markii horena meel geesa ka taagnaa masraxa dad bandanna ay u heysteen in uu ka mid ahaa ilaalada safiirka.

Isagoo aanan wax digniin ah siinin ayuu ninkani gadaal ka toogtay safiirka, isaga oo kadibna ku qeyliyey ALLAHU AKBAR, kadibna ku dhaartay in uu u aargudayo wax uu ku tilmaamay dilka ay Ruushka ku hayaan dadka rayidka ah ee reer Suuriya.

Saddex ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, ka hor inta ninkani aysan toogan ciidamada booliska.

Duqa magaalada Ankara Melih Gokjek ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyey uu ahaa 22 jir ka tirsanaa ciidanka booliska, magaciisana uu ahaa Mevlut Mert Altintas.

bandhige@gmail.com