Qaadhaan-bixiyeyaasha oo taageeray go’aankii Maxkamadda Sare ee muddo-kordhinta

Dalalka qaadhaan bixiyayaashsa ka ah Arimaha doorashooyinka Somaliland oo ay qaar ka mid ahi Waxdanka soo gaadheen, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeisa halkaasi oo ay ku taageereen go,aankii maxkamada sare ka soo saartay khilaafkii muddo-kordhinta doorashooyinka Somaliland, kaasi oo markii hore ay ku kala aragti duwanaayeen.

Kulankaasi oo lagu gorfeeyey arimaha doorashooyinka Jamuuriyada Somaliland, halkaasi oo ay qaan bixiyayaashu ku taageereen Go,aankii Maxkamada Sare dhawaanta ka soo baxay, iyaga oo markii hore go,aankaa maxmada ku kala aragti duwanaa qaadhaan bixiyayaashu, hase ahaatee imika meel uga soo wada jeestay, waxaanay balan qaadeen inay kala shaqeyndoonaan arimaha doorashooyinka iyo si kasta oo ay ku dhici lahayd doorasho xor ahi.

Dhinaca kale waxaa Iyana shalayto soo gaadhay magaalada Hargeisa wafti balaadhan oo ka socda Dawlada Sweden, kuwaasi oo wadda sida ay wararku nagu soo gaadhayaan, Qorshe ah inay xafiis rasmi ah ka furtaan Somaliland.

Sidoo kale Midawga Yurub oo ka mid ah daneeyayaasha arimaha doorashooyinka ka caawiya Somaliland ayaa ka aad u tixgaliyey go,aankii Gollaha Guurtida, iyo maxkamda sare, kaasi oo haatan u muuqda inuu sidii hore ka soo dabcay.

Hase yeeshee xafiiska dawlada Sweden hadii ay dhab noqoto waxay noqon doontaa, talaabo ay hore u qaaday dawlada Somaliland oo dhinaca diblamaasiyada ah, iyada oo ay hore uga furnaayeen xafiisyada dawladaha Denmark, Turkiga , itoobiya, iyo dawlada Jabuuti oo iyadu dhawaan safiir usoo magacowday Somaliland .