Qabaqaabada Shirkii Golaha Dhexe oo gabogabo ku dhaw, boodhadhka murashaxiitna qaar oo la qotomiyey

Sida aanu ku ogaanay xidhiidho aanu la samaynay qabanqaabiyeyaasha Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye, waxa hadda gabogabo ah hawlihii abaabulka shirka la xidhiidhay iyadoo la filayo in shirku uu barito si habsami ah u bilaabmo.

Dariiqyada Hargeysa waxa maanta lagu dhajiyey sawiradda Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici oo lagu kala hoos qoray murashaxa madaxweynenimada Kulmiye iyo murashaxa madaxweyne-xigeenka Kulmiye, hase ahaatee lama dhajin boodhadhka murashaxiinta kale.

Lama filayo in shirka Golaha Dhexe ay cidi kula tartanto Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi laakiin waxa tartan ka dhacayaa madaxweyne-xigeenka iyadoo inta la og yahay uu taagan yahay olole adagna uu ku jiro Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglotoosiye.

Muuse Saylici

Murashaxiintii waayadii hore isku diyaarinayey in ay la tartamaan Muuse Biixi ayaa go’aankii ugu dambeeyey shirka shalay ka qaatay waxayna Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ku eedeeyeen mid u af-duuban Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne-xigeen Cabdiraxmaan Saylici sidaas daraadeedna aanay ka qayb-gali doonin tartanka.

Guddidii Madaxweynuhu 2-dii November u saaray hubinta xalaalnimada ka-qayb-galayaasha Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye waxay sheegeen in ay is-diwaangeliyeen xubnihii golaha dhexe oo ka kooban 390 ay is-diwaangeliyeen marka laga reebo 40 xubnood, isla markaana ay diwaangelintu socoto.

Taasi waxay ka dhigan tahay in tirada ugu badan ee shirka Golaha Dhexe ay soo xaadiri doonaan.

Dadweynaha ayaa beryihii ugu dambeeyey ayaa aad dhegaha ugu taagayey Shirka Golaha Dhexe ee xisbul-xaakimka hase ahaatee waxay u muuqataa xiisihii ay dadweynuhu shirkan u qabeen in uu hoos u dhacay maadaama ay hadda natiijadu tahay mid la sii saadaalin karayo.

Bandhige@gmail.com