Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay Xuutiyiinta joojinayaan dagaalka Yaman

NEW YORK, UNITED STATES - MARCH 11: UN spokesman Stephane Dujarric speaks during the press conference at UN headquarters in New York, United States, on March 10, 2014. (Photo by Cem Ozdel/Anadolu Agency/Getty Images)

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in ay kooxda Xuutiyiintu ogolaadeen in ay joojiyaan dagaalka ay kaga soo horjeedaan dawlada iyo isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo.

Sida uu sheegay Afhayeenku Xuutiyiinta ayaa ogolaaday qaraarka nabadaynta ee soo afjarida dagaalka ka lixda bilood ka socday Yaman ee ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Shirka ka dhacay New Yorka ayuu Dujarric ka sheegay in hormar laga gaadhay arrimaha Yaman. Sidoo waxa shirkaa ka hadlay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona Yaman Ismaaciil Ould Sheekh Axmed.

Ismaaciil ayaa sheegay isaguna in uu rajaynaayo in Xuutiyiinta iyo dawladda Yaman ay kawada qayb galin doonaan dhexdhexaadinta ay hoggaaminayso Qaramada Midoobay.

bandhige@gmail.com