Wasiiradda difaaca Naato oo ka shiraya arrimaha Suuriya

Wasiiradda difaaca dalalka Naato ayaa waxay ku kulmayaan Burasalis, shirkan ayaa waxa lagaga hadlayaa arrimaha Suuriya oo maalmihii u danbeeyey uu xoogaga Ruushku duqeyn xoogan u gaysteen.

Waddamada Naato ayaa walaac weyn ka muujiyey weeraradda Ruushka ka wado gudaha Suuriyo oo ay ku bartilmaameedsadaan xoogaga ka soo horjeeda dawlada Bashaar Al-Asad, inkastoo uu Ruushku ku dooda in ay weeraradooda ku bartilmaameedsadeen kooxda Daacish.

Xoghayah Guud ee Naato Jens Stolwenberg ayaa la filayaa in uu Ruushka ugu baaqo in uu joojiyo taageerada Madaxweyne Bashaar Al-Asad iyo in uu weeraradiisa ku bartilmaameedsado kooxda Daacish.

Mucaaridka Maraykanka taageero ee degan deegaanka Ghab Plain ee waqooyiga Xama ayaa waxa weeraray ku qaaday ciidamada Bashaar Al-Asad oo ay taageerayaan xoogaga Ruushku.

bandhige@gmail.com