Qarax loo adeegsaday ambalaas ayaa galaaftay nolosha 95 qof magaalo-madaxda Kaabuul

A wounded man is assisted at the site of a deadly suicide attack in the center of Kabul, Afghanistan, Saturday, Jan. 27, 2018. Afghan Public Health Ministry says 40 killed and about 140 wounded in suicide car bomb attack in capital Kabul. (AP Photo/Massoud Hossaini)

Qarax ba’an oo loo adeegsaday ambalaas laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa galaaftay nolosha 95 qof magaalada Kaabuul ee dalka Afghanistan.

Waxa sidoo kale ku dhaawacmay 158 qof oo kale, kuwaas oo lagu dawanayo cusbitaallada kala duwan ee magaalada Kabuul.

Qaraxa ayaa dayaamay goor uu ku beegnaa meel u dhaw Wasaaraddii hore ee Arrimaha Gudaha ee Afghanistan, halkaas oo sidoo kale u dhaw cusbitaal muhiim ah iyo goobo diblomaasiyadeed.

Afhayeenka Daalibaan Zabiullah Mojahid ayaa sheegay in ay iyagu qaraxaas ka dambeeyeen.

Toddobadan ugu dambeeyey waxa soo badanaya weerarrada lala beegsanayo Kaabuul iyadoo toddobaadkii tagay weerar ba’an lagu eekeeyey hudheelka caalamiga ah ee InternContinental kaas oo ay ku nafwaayeen ajaanib iyo Afghanistaaniyiin.

Bandhige@Gmail.com